Markab Siday Xoolo Nool Una Socday Cumaan Oo Yimid Dekadda Boosaaso


Markab xoolo siday oo ka soo kicitimay magaaladda Kismaayo kuna sii jeeday dekeddaha dalka Cumaan ayaa la xaqiijiyey in uu ku xumaaday badweynta Hindiya ee u dhow deegaamadda Puntland sidaas waxaa Madal Furan u xaqiijiyey Ganacsato reer Puntland ah oo sheegay in ay xoolahaas iyaga u rarnaayeen.
Markabkan ayaa siday Ari gaaraya 3000 oo neef wuxuuna  maana  soo gaaray xeebta  dekedda magaaladda Boosaaso halkaasoo ay ganacsatadu qorsheeyeen in ay xoolaha kaga rogaan.
Markabkan ayaa la sheegay in mudo 20 cisho ku dhow uu ka soo sokeeyey dekedda magaaladda Kismaayo iyadoo cilad dhinaca matoorka ahi ay qabsatay,  xoolihii saarnaa markabkaas qaar koodna  ay dhinteen.
Maamulka dekedda Boosaaso oo xilligan uu Agaasime ka  yahay nin Ajnebi ah oo ka tirsan shirkadda P&O oo maanta ay ganacsatadu la kulmeen ayaa isku af-garan waayey dejinta xoolahaas.
Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Puntland ayaa laga sugayaa go’aan ay ku hubin doonto caafimaadka xoolaha markabkaas saran.
Developed by Jago Desain