Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta u ambabaxay dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta u ambabaxay dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo uga qeyb galayo shirka dhaqaalaha adduunka.

Shirka ka furmaya magaalada Geneva ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Qaraadda Afrika, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa kobaca dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirar gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jirto dalalka yar ee Africa ka tirsan ee lagu casuumay shirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhowaan dib u habeyn ku sameysay nidaamka Canshuuraha dalka, taasoo ka qeyb qaadan kara in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kaco.
Developed by Jago Desain