sawiro : imaaraatka carabta oo la wareegaya dekeda Magaalada Baraawe ee koonfur galabeed

sawiro : imaaraatka carabta oo la wareegaya dekeda Magaalada Baraawe ee koonfur galabeed

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaaday tallaabo u muuqata inay gogol xaar u tahay qorshaha Imaaraadka Carabta uu kula wareegayo dekadda magaalada Baraawe.

Qorshahaan oo ah mid si rasmi ah aan loo shaacin ayaa maamulka Koonfur Galbeed uu si rasmi ah u bilaabay dhismaha dekadda Baraawe iyo Garoonka diyaaraddaha, waxaana arbacadii booqday dekadda wafdi ka socday maamulkaasi oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Madoobe Nuunow, Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Sharif Sheekhunaa iyo wasiirka amniga gudaha.

Xubnahan ayaa qiimeyn iyo indha indheyn waxa ay ku sameeyeen hanaanka dhismaha dakadda Magaalada Baraawe, waxaana durba la arkaayay shalay, iyadoo ay bilaabatay dhismaha Airport-ka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Madoobe Nuunow, ayaa sheegay inay ahmiyad wayn siinayaan sidii loo dhisi lahaa dakadda Magaalada Baraawe, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan goob ay wax kala soo dagaan.

Dekaddaha Berbera iyo Boosaaaso ayaa waxaa mudo 30 sano ah maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku wareejiyeen Imaaraadka Carabta oo faragelin xooggan ku haayo arrimaha Somalia.

Baraawe waxay leedahay dekadd ku wanaagsan ganacsiga, hase ahaatee, tan iyo isticmaarkii lama isticmaalin, mana jirin maamul dib u dhisay isticmaarkii kadib.
Developed by Jago Desain