Sawiro : Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso

Sawiro : Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga Puntland, Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray  xarunta ganacsiga puntland ee Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa si weyn loogu soo dhaweey wefdiga Madaxweynaha SoomaaliyaWafdiga madaxweynaha safarka ku wehlinaya waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Bulshada qeyabheeda kale duwan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya iyo kan Puntland ,isla markaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Bosaso.


Madaxweynaha ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xireysa Kalabeyr ilaa caluula.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.

halkan ka daawo sawirada soo dhawaynta 








Developed by Jago Desain