Sawiro: Sagaal ciyaaryahan oo Saudi Arabia ah oo ku soo biiray horyaalka Laliga Spain

Sawiro: Sagaal ciyaaryahan oo Saudi Arabia ah oo ku soo biiray horyaalka Laliga Spain

Sagaal ciyaartoy oo Saudi Arabia ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan xulka qaranka sucuudiga ee ka qeybgali doona Koobka Aduunka 2018, ayaa ku biiray kooxaha Spain ee heerarka koowaad iyo labaad mudo lix bilood ah si amaah ah , sida ay ku warameyso Sunday Sports.

amaahdan ayaa ku eg ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo qeyb ka ah heshiiska wada-xaajood oo u dhexeeya Xiriirka Kubadda Cagta ee Saudi Arabia, iyo horyaalka Spain.
Salem Al Dosari ayaa ku biiray kooxda Villarreal ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, halka Liganes ay heshay laacibka khadka dhexe ee Yahia Al Shehri , halka ay  Levante ay ayaduna heshay laacibka weeraryahanka khatarta ah ee Fahd Al Mouloud.

Nuur Al Mousa ayaa u dhaqaaqay Valladolid halka Abdullah Al Hamdan, oo ah ciyaaryahan ka ciyaaraha xulka Olympic-da uu ku biiray kooxda Sporting Gijon. Abdul Majid al-Selahim ayaa sidoo kale u dhaqaaya dhinaca kooxda Rayo Viacano.

amaahdan ayaa imaaneysa shan bilood ka hor bilawga Koobka Adduunka ee Russia 14 June, halkaas oo Saudi Arabia ay ku ciyaari doonto Group A oo ay kula jiraan dalka martida loo yahay ee russia, Uruguay iyo Masar.







Developed by Jago Desain