Sawiro: Yaa Lagu Sixray Idahii Lagu Gawracay xaafadaha Magaaladda Muqdisho?

Sawiro: Yaa Lagu Sixray Idahii Lagu Gawracay xaafadaha Magaaladda Muqdisho?

Waxaa aad u soo kordhay xaafadaha magaaladda Muqdisho ee la soo dhigay neefaf Ido ah oo Laba Laba u gowracan iyadoo cusbo iyo maryo gaduudan qaarkood lagu arkay korkooda.
Waxaa kaloo Idahan la gawracay loo dhigay qaab Laba Laba ah oo midna la fariisiyey midna la jiifiyey, waxaana arrintan ay ka dhacday xaafadaha magaaladda Muqdisho ee kala ah Hawlwadaag, Hodan Boondheere iyo  Waaberi.
Dadka ku nool deegaanka arrintaasi ka dhacday ayaa waxay aad uga xumaadeen falkan oo ah mid ku cusub magaaladda Muqdisho, waxaana jira hadal hayn fara badan iyo falaqeyn laga sameeyey dhacdadaan.
Dadka qaar ayaa waxay qabaan in uu yahay nooc Sixir ah oo lagula dagaalamayo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre Labada neefna iyaga laga matalay.
Waxaa kaloo jira dad aaminsan in Kooxaha Mucaaradka ku ah dowladda Farmaajo ay doonayaan in ay ku argagax geliyaan Madaxweynaha DFS iyo Raysalwasaarihiisa.
Waxaa kaloo dadka qaarkiis sheegayaan in tallaabadaasi aysan mid la dhayalsan karo loona baahan yahay in laga duceysto oo Quraan fara badan laga akhriyo gudaha magaaladda Muqdisho si looga hortago wax ay ugu yeereen Sixir-furyo.
Arrintu siday doonto ha ahaatee, Waxaa jira shaki xoog leh oo xataa u gudbay Madaxtooyadda iyo Golayaasha Dowladda kuwaasoo si weyn uga shakisan heerka uu le’ekaan karo nooca Sixirkan oo ay muuqato in dhaqaale fara badan lagu bixiyey.
Lama oga ilaa hadda cidda ka danbeysa falkan, waxaana jira dhinacyo badan oo laga muujinayo tuhun la xiriira falkan Sixirka u eg.





Developed by Jago Desain