Wakaaladda Xoogga Korontada Eeneeye oo ka jawaabtay Cabasho kasoo baxday Shirkadda Golis

Wakaaladda Xoogga Korontada Eeneeye oo ka jawaabtay Cabasho kasoo baxday Shirkadda Golis
Wakaaladda Xoogga korontada Umadda ee Eeneeye Boosaaso ayaa ka jawaabtay cabasho kasoo baxday Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis, taasi oo farriimo qoraaleed u dirtay macaamiisheeda ku eedaysay Eeneeye inay jartay adeegyo Internet iyo xargo taleefano oo shirkaddu ay lahayd.
Maamulka Eeneeye ayaa Shir jara’id uu ku qabtay maanta xafiiskiisa Boosaaso,waxaa uu sheegay in aanay waxba ka jirin eedaynta shirkadda Golis,waxaana ay wax laga xumaado ku tilmaameen inay iyadoo adeegsanaysa Isgaarsiinta ay si khaldan u isticmaasho fidinta warar been ah.
Hoos ka akhriso



Developed by Jago Desain