Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal ( Sawirro)

Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal ( Sawirro)
Xaflad si heersare ah loo soo agaasimey oo  shahadooyin lagu gudoonsiinayey arday dhameysay Barashada Qur’aanka Kariimka ah  ayaa ka dhacday Dhismaha  dugsiga Daaru Baargaal ee  Magalada Baargaal ee Gobolka gardafuu

24 arday oo isgu jiray gabdho iyo wiilal oo kamid ah da'yarta Dugsiga Daaru Baargaal ee Xifdinta Quraanka Kariimka iyo waxbarashada asaasiga ah ayaa maantay oo ay taariikhdu ahayd 19/01/2018 xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay loogu qabtay magaalda Baargaal kadib markii ay quraanka kariimka xifdiyeen.

Munaasabadda qalin jabinta oo ka dhacday dhismaha Dugsiga daaru Baargaal  ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta waxbarashada   ,Cuqaal waxgarad, aqoonyahano ,Ganacsato dhalinyaro ,waalidiinta da'yarta , iyo dadwayne aad u farab badan oo mudooyinkan sugayay Munaasabadan.

ugu horaynti waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda Dugsiga intaasi Kadibna waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Daaru Baargaal sheekh mire C/raxmaan Maxamed oo marka hore soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay.

Maamulaha Dugsiga Daaru baargaal  ayaa ka waramay  aradyda maanta qalinjabinaysa marxaladihii ay soo mareen ilaa ay ku guulaysteen xifdinta quraanka kariimka.

intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay maamulaha dugsiga saree ee maxamed xuseen ee degmada Baargaal Dr. Maxamuud  muumin asagoo sheegay in muhiimada xafladu tahay sidii loogu dhiiri galin lahaa ardayda inta dhimana inay ku daydaan ardaydan maantay la abaalnarinaayo.


Waxaa kadib makarafoonka qabsaday Mushrifka Caamka ee dugsiga iyo machadka sheekh C/laahi yaasiin asagoo u hanbalyeeyay ardayda xifdisay quraanka Kariimnka kuna dhiiri galiyay ardayda kale inay ku daydaan oo aqoonta tarbiyad ku darsadaan.

xafladan ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay waalidiin ,xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo badan , kuwaaas oo dhamaan u hambalyeeyay ardaydan xifdisay kalaamka alle oo ah wax la barto waxa ugu khayrka badan.

Dufcada Sanadkan Ka qalin jabisay xifdinta Qur'aanka Kariimka Dugsiga Daaru Baargaal  waxaa tiradoodu dhan tahay 24 arday oo isugu jira 17 wiil iyo 7 gabdhood ,

Ugu danbayntii xaflada ayaa ardaydii lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinkoodii iyo abaal marino kale oo maamulka dugsigu ugu soo talagaleen , waxaana sidoo kale la abaalmariyay ardayda ugu saraysay qaybta waxbarashada asaagiga ah ee dugsiga  iyo ardayda ku guulaysatay adaabta iyo akhlaaqda waxaana si wayn looga dheehan karay ardaydaas iyo waalidiintoodiiba farxad aad u balaaran

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbari

















Developed by Jago Desain