Musharxiin Ay Ka Midyihiin, Ilkajiir, Juxa, Cali Xaaji,Faarax-CaliShire, Dhoolawaa Oo Madaxwayne Gaas Uga Digay In Uu Xiliga Xukuumadda kororsado

Musharxiin Ay Ka Midyihiin, Ilkajiir, Juxa, Cali Xaaji,Faarax-CaliShire, Dhoolawaa Oo Madaxwayne Gaas Uga Digay In Uu Xiliga Xukuumadda kororsado

Siyaasiyiin ku midoobay Madasha {Puntland Focus Group] ayaa soo saarey bayaan ay uga hadlayaan xaaladda hadda ay marayso Puntland.

iyadoo baaq u diray Xukuumadda waqtiga uu ka dhamaanayo ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” .

Bayaanka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warbaahinta ayaa waxaa diiradda lagu saarey arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin duulaankii Somaliland ee Tukaraq, Doorashada Puntland 2019­ka iyo arrimaha Dastuurka.

Waxay ka digtay Madasha Puntland Focus Group ka digtay mudo korarsi ay sameyso Xukuumadda Madaxweyne Gaas, taasi oo ay sheegeen inay jibinayso Dastuurka Puntland, qodobkiisa 79aad oo xadidaya mudo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo shan sano ah.

Waxay Puntland Focus Group sheegeen in haddii Xukuumadda Madaxweyne Gaas kuu guul­dareysato in doorashada ay waqtigeeda qabayo ay taasi keeni karto deganaansho la’aan siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne.
Amniga Puntland
Puntland Focus Group ayaa sidoo kale ka hadashay xaaladda amni ee Puntland, oo mudadii 4ta sano ee uu Madaxweyne Gaas xukunka joogay ay ka dhaceen weeraro Taariikhda baal mugdi ah ka galay oo Askar iyo shacab badan lagu dilay kuwaasi oo uu kamid ahaa weerarkii Af Urur.
Waxay Puntland Focus Group ku baaqday in la adkeeyo amaanka gudaha iyo Xuduudaha Puntland, sida uu qabo Dastuurka, oo laga dhigo ahmiyada koowaad maadaama ay soo dhawdahay doorashada.

Dastuurka Federaalka Soomaaliya Puntland Focus Group ayaa soo hadal qaaday hanaanka dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya kaasi oo mudooyinkii dambe uu khilaaf ka taagnaa wadadaya loo marayo dib u eegistiisa iyo wadatashiga laga sameynayo.

Waxay Madasha Puntland Focus Group ku baaqday in hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya uu noqdo mid hufan, loo dhan yahay islamarkaana ka tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.
Markii dib u eegista lagu sameeyo, lana qabyo tiro, Dastuurka Federaalka waa in lagu ansixiyaa afti dadweyne, iyadoo laga talo gelinayo Somaliland.

Wixii intaasi ka horeeya, Puntland waa inay ku dhaqanaa Dastuurkeeda uu ansixiyay Baarlamaanka April 18, 2012 kaasi oo u baahan la dhowro laguna dhaqmo, iyadoo loogu adeegayo shacabka reer Puntland danahooda.

Dowladda Puntland waxaa doortay shacabka oo ay matasho, waxaana looga baahan yahay inay ku shaqeyso Dastuurka u yaalla, kaasi oo faraya inay ilaaliso amaanka xuduudaheeda iyo muwaadiniinta.

Xaaladda Tukaraq.

Ugu dambeyntii, Puntland Focus Group ayaa ugu baaqday Somaliland inay si deg deg ah Ciidamadeeda ugala baxdo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo 8­dii January ka qabsatay Ciidamada Difaaca Puntland, iyadoo madasha dhanka kale ka digtay deganaansho la,aan iyo colaad ka dhacda gobolka.
Dowladda Madaxweyne Gaas ayaan wali wa jawaab ah ka bixin duulaankii Somaliland ee Tukaraq, iyadoo dhanka kale aysan shacabkeeda la wadaagin xogta ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo looga hadlayo arrimo khatar gelin kara jiritaanka maamullada Federaalka dalka.
  1. Cali Xaaji Warsame oo horey u soo noqday Musharax iyo Wasiirkii Waxbarashada & Tacliinta sare ee Xukuumada Gaas. 
  2. Siciid Cabdullaahi Deni oo horey u soo noqday Musharax M/weyne iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah dawladda Faderaalka Soomaaliya. 
  3. Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday Wasiirkii maaliyada ee Xukuumadii Faroole. 
  4. Khaliif Ciise Mudan oo horey u soo noqday Wasiirkii Amniga & DDRta Xukuumadii Faroole. 
  5. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo horey u soo noqday Musharax iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, D/hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Xukuumaddii Faroole. 
  6. Cabdi Faarax Juxa oo horey u soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Xukuumadii Faroole, kuna dambeeyey Wasiirka Arrimaha gudaha DF Soomaaliya ee Xukuumada Kheyre. 
  7. Isse Maxamuud Faarah oo horey u soo noqday Agaasimaha Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumaddii Faroole, madashana Afhayeen u ah waqtigan. 
  8. Xaaji Maxamed Yaasiin oo horey musharax ugu noqday Madaxweynimada Soomaaliya, Ganacsade degan Nairobi 
  9. Dr Maxamed Salaad Qoryooley oo ah Siyaasi 
  10. Maxamuud Axmed Xasan oo ah Siyaasi
Developed by Jago Desain