SAWIRO: Musharax Abuukar Indhacade oo liiska Musharaxiinta Baargaal ee Xildhibaanada Puntland ku soo biiray

SAWIRO: Musharax Abuukar Indhacade oo liiska Musharaxiinta Baargaal ee Xildhibaanada Puntland ku soo biiray

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02/02/2018 munaasibad sare oo uu musharaxnimadiisa ku shaacinaayo ku qabtay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Gudoomiyaha Degmada Baargaal Musharax Abuukar Indhacade oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xildhibaanimada Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ee dawlad goboleedka Puntland Doorashada 2019

Musharax Abuukar indhacade oo xafladiisa maanta ay ka soo qaybgaleen dhamaan waxgaradka , cuqaasha dhalinyarada , ganacsatada iyo salaadiinta deegaanka iyo marti sharaf kale oo badan ayaa waxaa uu halkaasi kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xildhibaanimada Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ee barlamaanka puntland ee sanadka 2019 haduu eebe idmo


Musharax Abuukar indhacade ayaa marti sharaftii ka soo qayb gashay xaflada uga warbixiyay qorshihiisa waxqabad hadii uu ku guulaysto xubinta xildhibaanka asagoo sheegay marka hore inuu ku shaqayn doono si mutadawacnimo ah uu musharkiisa ugu deeeqayo horumarka Degmada Baargaal iyo degaanada ku xeeran 


wuxuu intaasi ku daray in deegaanka uu ka jiro horumar la'aan oo ay sabab u tahay xildhibaanada deegaanka matala oo aan ka warqabin deegaanka asaguna uu dabeecadaas badali doono inshalaah

wuxuu intaasi ku daray musharax abuukar indhacade inuu deegaanku u baahan yahay xildhibaan fahmi kara duruufaha haysta deegaanka , asagoo ku daray ka shakhsi ahaan intuu gudoomiyaha degmada Baargaal ahaa oo hada wali yahay uu arkay wax yaabo badan oo u baahan in wax laga qabto uuna arimahaasi la hortagi doono madaxda dalka oo uusan la ganban doonin hadana u sii sheegayo

ugu danbayntii wuxuu yiri musharax abuukar indhacade " Waxaan ka codsanayaa dadwaynahaa ka soo jeedaa degaanka inay Igu taageeraan sidaan ugu guulaysan lahaa xilkaas.

sidoo kale waxaa madasha khudbado ka jeediyay qaar kamid ah marti sharaftii ka soo qayb gashay munaasibada oo dhamaan isku raacay in loo baahanyahy isbadel , iyo xildhibaan dal joog ah oo ganacsi iyo hanti ku leh deegaanka dareemi karana waxa ka jira deegaanka la dhex nool bulshada uu mataalaayo muddana maamulkooda ku soo dhex jiray , sifooyinkaas oo ay sheegeen in uu leeyahay musharax Abuukar indhacade ayagoo sheegay inay ku taagerrayaan xilkaas culus ee uu istaagay ilaahna uga baryayaan inuu u fududeeyyo haduu ku guulaysto













Developed by Jago Desain