Sawiro: Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Mid ka mida Mucaaradka ugu weyn Xukuumadiisa oo ku kulmay Abu Dhabi

Sawiro: Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Mid ka mida Mucaaradka ugu weyn Xukuumadiisa oo ku kulmay Abu Dhabi
Wararka laga helayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalkaasi uu kulan dhex maray mid ka mida xildhibaannada ku kacsan xukuumadiisa.

Kulanka ayaa dhex maray Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo hoggaamiye ah Madasha Horusocod oo ah xildhibaannadii ugu horeeyay ee isu baheystay mucaaradnimada dowladda Farmaajo iyo Kheyre.

Kulanka ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe Imaaraadka Carabta ku heshiisiineyso dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha kasoo horjeeda.

Developed by Jago Desain