Xog: Qorshe lagu xalinayo khilaafka Farmaajo iyo CC Sharmaarke oo ka socda

Xog: Qorshe lagu xalinayo khilaafka Farmaajo iyo CC Sharmaarke oo ka socda

Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada dawlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qorsho leysugu soo dhaweynaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid.

Qorshahaani ayaa la xaqiijiyay inay isla wadaan madaxwaynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed cali Gaas, iyo Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed xul ah.


madaxwaynaha Puntland Dr. C/weli Gaas iyo dhinacyada ku howlan isku soo dhaweynta labada mas’uul ayaa u kala dabqaadaya Madaxweynaha oo dhawaan gaaray magaalada Garoowe iyo Cumar C/rashiid oo si KMG ah deegaan uga dhigtay caasimada puntland ee Garoowe.


Khilaafka labada mas’uul ee heerka ugu sareeya iminka gaaray ayaa bilowday kadib markii Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid ku dhiiraday inuu qalqal galiyo dowlada hadda jirta iyadoo loo adeegsanaayo dhaqaale xoog badan oo lagu bixinaayay Xisbiyada Mucaradka.

Cumar C/rashiid ayaa wixii ka danbeeyay fashilkiisa Siyaasadeed Saldhigtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, Nairobi iyo magaalada Abu Dabai ee dalka isutaga imaaraadka carabta.

Sidoo kale, Khilaafka iyo kala fogaanshiyaha labada mas’uul ayaa cirka isku sii shareerar wixii ka danbeeyay markii CC Sharmaarke uu dowlada Imaaraadka kasoo xirtay mashruuc lagu soo saarayo awooda xisbiyada mucaaradka si uu dalka u jilbo laabto.

Qorshaha lagu xalinaayo khilaafka taagan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo ku dhow dhow Cumar C/rashiid Cali sharmaake

 waxaan la ogeyn halka uu noqon doono biyo dhaca qorshahalagu xalinaayo khilaaf siyaasadeedka Madaxweyne Farmaajo iyo Cumar C/rashiid cali Sharmaarke oo heerkii ugu sareeyay gaaray.
Developed by Jago Desain