Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Xildhibaanada saxiixay Mooshinka Jawaari iyo tirada oo cirka isku shareertay

Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Xildhibaanada saxiixay Mooshinka Jawaari iyo tirada oo cirka isku shareertay

Waxaa kordhay Xildhibaanada ku biiraya Mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in hadda ay soo baxeen Xildhibaano cusub oo ku biiray mooshinka.
Waxaa sidoo kale la helay tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Sixiixay ilaa iyo hadda iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan, iyada oo laga yaabo in tiradu ay sii kororto saacadaha soosocda, hannaanka beelaha lagu qeybsaday kuraasta baarlamaanka marka loo eego ayay Xildhibaanadu uga kala yimaadaan sidan.
1) Beesha Shanaand    22 Xildhibaan.
2) Hawiye                  32 Xildhibaan.
3) Digil iyo Mirifle       47 Xildhibaan.
4) Daarood                29 Xildhibaan.
5) Dir                        43 Xildhibaan.
Wadarta guud ee Xildhibaanada ayaana noqoneysa 173 Xildhibaan, Guddoomiye Jawaari ayaana si uu Xilkiisa u waayo u baahan 184 Xildhibaan waxaana sida ay hadda wax usocdaan u muuqataa in Mudane Jawaari oo uu weyn doono Kalsoonida Baarlamaanka.
Culeyska ugu badan ee ku yimid dhinaca Guddoomiyaha ayaa soo baxay kadib markii shalay iyo habeen hore ay Saxaafadda la hadleen Xubno Golaha shacabka galangal fiican ku leh oo ay Ka mid tahay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay meesha kasaaraan Jawaari oo ay ku eedeeyeen Xil gudasho la’aan.
Jawaari oo dhinaca kale ku tashanayay Xubnaha Xildhibaanada ee Qabyo iyo Daljir ee Baarlamaanka ku jira ayaa ku hungoobay in u keenaan Xildhibaano difaaci kara.
Developed by Jago Desain