AKHRISO: Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal deg deg ah ka helay Boqortooyada Sacuudi Careebiya

AKHRISO: Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal deg deg ah ka helay Boqortooyada Sacuudi Careebiya

Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa dhambaal deg deg ah u soo dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kas oo ay ku muujinayaan sidda ay uga xun yihiin ficilka ay ku dhaqaaqday dawladda Imaaraatka Carabta, kuna codsanayaan in ay Sacuudi dhexdhexaad ka galaan arrinta taagan.

Ergay gaarka ah oo ka socday Wasaaradda Arrimaha dibada ee Sacuudi Careebiya ayaa dhambaalkan soo gaarsiiyey Wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya, taas oo la gaarsiiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aqbalay dalabka Boqortooyada Sacuudi Careebiya, wuxuuna u sheegay wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaalida Axmed Ciise Cawad in uu si dhaw ula shaqeeyo boqortooyada Sacuudi Careebiya.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ay Soomaaliya ogolaatay talaabada ay Sacuudi Careebiya ku galayaan howshan, ayna u arkaan xal wanaagsan wada hadal, balse aysan gorgortan ka galeyn Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya, taas oo ah wax aan lataaban karin.

Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in aysan aqbali doonin heshiiska Berbera oo ah damac lagu dhaawacayo Sharafta Soomaalida iyo hadalkii ka soo baxay Imaaraatka Carabta ee ahaa in Somaliland tahay dal madax banaan, balse Soomaaliya ayaa si dhab ah uga hadashay hadalkan.

Sarkaal sare oo katirsan wasaaradda Arrimaha dibada ee Soomaaliya oo ka gaabsaday magaciisa ayaa usheegay Puntlandtimes.com in uu Madaxweyne Farmaajo ku amray wasaaradda Arrimaha dibada in ay qaadato doorkeeda Siyaasadda, oo ay gabi ahaanba soo xirto albaabada faragalinta siyaasadeed ee dibada ah
Developed by Jago Desain