AKHRISO:- Maxaa horyaalla kal Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee Berri furmaya?

AKHRISO:- Maxaa horyaalla kal Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee Berri furmaya?

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa oo Fasax galay 16-kii December sanadkii tagay ee 2017, tan iyo Xiligaas waxa ay xildhibaanada ku maqnaayeen Deegaan doorashadooda, si ay macluumaadka Deegaanadooda la xiriira kalfadhiga 3-aad kolka uu furmo ula wadaagaan Guddoonka Baarlamaanka.

Inta aysan Fasaxa galin Golaha Shacabka waxaa horyaalay Ajandayaal badan, waxayna kahor Xiritaankooda Meel mariyeen Miisaaniyadda 2018-ka.

Kalfadhiga 3-aad ee Berri u furmaya Golaha Shacabka waxaa horyaalla Arrimaha Doorashooynka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo Arrimo kale.

Waxaana jiri doono soo jeedino ay sameyn doonaan Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka oo todobaadkii mar shirayay Muddadii ay Xildhibaanada Fasaxa ku maqnaayeen.

Guddigan ka kooban 10-ka xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Senator C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile iyo ku-xeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macow ayaa waxay diyaarinayaan munaasabada furitaanka fadhiga Baarlamaanka.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sida sharciga ah si rasmi ah u furi doona kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka kadib furitaanka Madaxweynaha waxa ay Xildhibaanada u qeybin doonaan Ajandayaasha, halka Guddiyada iyo Howl wadeenada ay qeybin doonaan Ajandayaasha iyo sida ay ukala horeeyaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fasax ku maqnaa Muddo 84 Maalmood, tan iyo xiligaasi waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin ay kamid yihiin Murankii ka dhashay Canshuurta Iibka ee ka dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir, Heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera, Weeraro ka dhacay Muqdisho, Is qab-qabsiga Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka iyo dhacdooyin kale.

Dhacdooyinkaas waxaa qaarkood ka hadlay ama ka fadhiistay Guddiyada u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama Goluhu uu fasax ku maqnaa, qorshaha ayaa ah in Mudanayaasha ay la wadaagaan Guddiyaadi arrintaa ku baxay.
Developed by Jago Desain