akhriso qodobada Mooshin laga gudbiyey Heshiiska Dekeda Berbera iyo DP world

akhriso qodobada n Mooshin laga gudbiyey Heshiiska Dekeda Berbera iyo DP world

Mudanayaasha barlamaanka fedraalka soomaaliya ayaa diyaariyay mooshin degdeg ah  oo ay ku dalbanayaan in laga doodo arrimaha ku saabsan mashaariicda dawladda Imaaraatka Carabta ay ka wadaan gudaha dalka, gaar ahaana dekedo ay la wareegeen dhawaan.

mooshinka oo goor dhaw loo gudbinayo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa saxiixay  in ka badan 130 mudane baarlamaan, kuwaas oo codsaday in si deg deg ah loo qaado talaabo baarlamaan.

Xildhibaanada ayaa soo jeediyey qodobo ay ka mid yihiin.

1- In loo yeero Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Iyo Madaxweynaha si ay uga hadlaan arrintan iyo talaabada ay ka aaminsan yihiin, taas oo ah mid waajib ku ah Qaranimada Soomaaliyed.

2- In loo codeeyo in dhamaanba la joojiyo heshiisyada iyo mashariicda ay Imaaraatka Carabtu ka wadaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaana Dekedaha Boosaaso & Berbera, maadaama aysan ogeyn baarlamaanku oo aysan ansixin golaha Sharci dajintu.

3- In si deg deg ah dib u eegis loogu sameeyo xariirka siyaasadeed iyo kan ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, labada dalna si rasmi ah arrimahan uga wada xaajoodaan kuwaas oo ah kulamo aan qarsoodi aheyn.


Sidaas oo kale mudanayaashan waxay ku cadeeyeen qoraalkooda in lagu xadgudbay Madax banaanida Soomaaliya, oo ay Shirkadda Imaaraatka Carabta ee DP WORLD, si cad u sheegtay in ay Somaliland tahay dal madax banaan, taas oo ka dhigan faragalin siyaasadeed tii ugu xumeyd ee abid la sameeyo.
Developed by Jago Desain