Daawo: Xildhibaanada Mooshinka wada Oo Dhoolatus ka Sameeyay Muqdisho

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka Soomaaliya oo taageersan mooshinka laga geeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow ku sameeyay bandhig magaalada Muqdisho.


Bandhiggan ayay xildhibaanada ku muujinayeen tiradooda iyo weliba sida ay ugaga go’an tahay in uu baneeyo xilka guddoomiye Jawaari.
Qudbado ay ka soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada hotel SYL oo ay bandhigan ku sameeyeen ayay ku sheegeen in la gaaray xilligii uu xilka ka degi lahaa guddoomiye jawaari.
Developed by Jago Desain