DHAGEYSO:- Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye Oo Sheegtay In Aan Laga Laaban Doonin Mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye


Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaha Ahna Xildhibaan ka Tirsan Golaha Shacabka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa Si Adag uga hadashay Mooshin laga Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wasiir Khadiijo oo ka hadlaysay Kulan ay Maanta Xarunta Villa Hargeysa Isigu Yimaadeen Xidhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, ayaa Sheegtay in Mooshinkaan aan laga laaban Doonin illaa La Hor-geeyo Fadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka, oo ay Sheegtay in Lagu kala Baxayo.

Marwo Khadiijo ayaa Tilmaamtay in Sheegashada Guddoomiye Jawaari ee ah in Laga Baxay Mooshinkaan ay Wax u Dhimayso Kaaraamadiisa iyo Aqoontiisa, balse waxaa ay Sheegtay in Mooshinkaan uu noqon doonin mid banaanka looga baxo.
Waxaa ay Sheegtay in hadii Mooshinkaan uu Gaari Waayo 184 Xildhibaan uu jawaari ahaanayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Balse waxaa ay tilmaamtay Hadii uu Gaaro in ay 15 Cisho Gudahood in ay Ku Dooran Doonaan Guddoomiye Cusub.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Xildhibaanada Wada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, ayaa ku Eedeeysay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka in uu Hareer maray Sharciga, maadama ay kulan qabteen Baarlamaanka oo Shaqeynaya.

DHAGEYSO.





Developed by Jago Desain