Golihii deegaanka Bosaso oo la kala diray iyo Gudoomiye iyo ku xigeen ku meel gaara oo la magacaabay

Labo wareegto oo maanta ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mid lagu kala diray Golahii deegaanka Degmada Boosaaso, halka mida kalana lagu magacaabay Gudoomiye iyo ku xigeenka kumeel gaarka ah. Kala dirada Golahii deegaanka Degmada Boosaaso ayaa loo cuskaday markii la sheegay inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-qabqabsi. Dhanka kale Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Boosaaso, halka Siciid Cabdirxmaan Maxamed loo magaacay ku xigeen. Wareegtadii lagu kala diray Golaha deegaanka Degmada Boosaaso. Xeer Madaxweyne Lr. 31March 01, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Marky caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-Qabqabsi . Wuxuu xeeriyey. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. Wareegtadii lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Boosaaso. Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso. Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso. 2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Labo wareegto oo maanta ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mid lagu kala diray Golahii deegaanka Degmada Boosaaso, halka mida kalana lagu magacaabay Gudoomiye iyo ku xigeenka kumeel gaarka ah.
Kala dirada Golahii deegaanka Degmada Boosaaso ayaa loo cuskaday markii la sheegay inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-qabqabsi.
Dhanka kale Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Boosaaso, halka Siciid Cabdirxmaan Maxamed loo magaacay ku xigeen.
Wareegtadii lagu kala diray Golaha deegaanka Degmada Boosaaso.
Xeer Madaxweyne Lr. 31March 01, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Marky caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-Qabqabsi .
Wuxuu xeeriyey.
  1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
Wareegtadii lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Boosaaso.
Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Boosaaso.
Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.
  1. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Developed by Jago Desain