Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland ee TPEC oo shir muhiim ah Ku qabanaya Garowe

Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland loona yaqaano TPEC ayaa iskugu yeeray Wasiiradda afar wasaaradood, Gudoomiyaasha gobalada, Dalladda Bulshada rayidka ah, Dalladda Dhalinyarada iyo Urur siyaasadeed ee is diwaangaliyey, waxaana saaka shir uga furmayaa magaalada Garoowe. Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay Shirweynaha Wacyigalinta bulshada Puntland, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha ku saabsan hanaanka doorashooyinka Puntland, iyadoo ay madasha imaan doonaan inta badan dadka daneeya arrimaha doorashooyinka. Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah uga codsan doona wasaaraddaha dawladda iyo maamulada gobalada in ay si rasmi ah Ururada siyaasadeed ee Puntland ugu fududeeyaan howlahooda, gaar ahaana furashada Xaafiisyadooda iyo arrimaha la xariira kulamadooda in ay qabsadaan. Wasiiradda Arrimaha gudaha, Amniga, Warfaafinta iyo Dastuurka ayaa madashan ka hadli doona waxayna balan qaadi doonaan sidda ay u taageersan yihiin meelmarinta arrimaha muhiimka ah ee la xariira Nidaamka Asxaabtada badan


Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland loona yaqaano TPEC ayaa iskugu yeeray Wasiiradda afar wasaaradood, Gudoomiyaasha gobalada, Dalladda Bulshada rayidka ah, Dalladda Dhalinyarada iyo Urur siyaasadeed ee is diwaangaliyey, waxaana saaka shir uga furmayaa magaalada Garoowe.
Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay Shirweynaha Wacyigalinta bulshada Puntland, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha ku saabsan hanaanka doorashooyinka Puntland, iyadoo ay madasha imaan doonaan inta badan dadka daneeya arrimaha doorashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah uga codsan doona wasaaraddaha dawladda iyo maamulada gobalada in ay si rasmi ah Ururada siyaasadeed ee Puntland ugu fududeeyaan howlahooda, gaar ahaana furashada Xaafiisyadooda iyo arrimaha la xariira kulamadooda in ay qabsadaan.
Wasiiradda Arrimaha gudaha, Amniga, Warfaafinta iyo Dastuurka ayaa madashan ka hadli doona waxayna balan qaadi doonaan sidda ay u taageersan yihiin meelmarinta arrimaha muhiimka ah ee la xariira Nidaamka Asxaabtada badan 

Sidaas oo kale Ururada Siyaasadeed ee ilaa hadda is diwaangaliyey ayaa la guddoonsiin doono Shahaado KMG ah oo ay ku sii wadan howlahooda, waxaana taasi ay ka dhigan tahay dadaal xoog leh oo lagaliyey arrimaha Doorashooyinka. 

TPEC ayaa u xilsaaran sidii ay meelmar uga dhigi lahayd nidaamka Asxaabta badan ee Puntland, waxayna si gaar ah diiradda u saaraysaa in la qabto doorashooyinka golayaasha degmooyinka Puntland , taas oo ah mid ay sugayaan Shacabku, waxaana ku soo bixi doona sadexda Xisbi ee si rasmi ah ugu tartami doona doorashada Madaxtinimada Puntland xiligii ay noqotaba



Developed by Jago Desain