Guddoonka BF Soomaaliya oo maanta qabanaya Mooshin ka dhan ah Imaaraatka Carabta & Faragalintiisa ay ku hayaan Dekedaha Soomaaliya

Guddoonka BF Soomaaliya oo maanta qabanaya Mooshin ka dhan ah Imaaraatka Carabta & Faragalintiisa ay ku hayaan Dekedaha Soomaaliya


Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in Xildhibanadii ugu badnaa oo katirsan baarlamaanka Faderaalku ay xalay saxiixeen mooshin ka dhan ah dawladda Imaaraatka Carabta, waxaana ka mid ah qodobo xasaasi ah oo ay baarlamaanku dood ka yeelan doonaan.

Nuqul kamid ah mooshinkan oo ay heshay Puntlandtimes.com waxay muujinayaan in ay ku jiri-karaan kuwa saameyn weyn ku yeelan kara xariirka labada dhinac, kuwa u baahan in waqti dheeraad ah la siiyo dadaalada heerka caalami ee socda.

Xildhibaanadu waxay soo gudbiyeen in si deg deg ah looga cayriyo Soomaaliya, Safiirka Imaaraatka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Cuthmani oo hadda kusugan magaalada Muqdisho, sidaas oo kale la joojiyo dhamaan tababarada ciidamada ee ay ka wadaan gobalada dalka oo dhan, in sidaas oo kale lahakiyo dhamaan shaqooyinka iyo la wareegida ay ka wadaan dekedaha Berbera & Boosaaso.

Warar hoose waxay sheegayaan in ay madaxtooyada Soomaaliya bilowday in mooshinkaas la hakiyo, waxaana jira warar kale oo sheegay in guddoonka baarlamaanku uu cadeeyey in ka hor arrimahan la doonayo in ay Xukuumada Faderaalku la timaado siyaasad cad oo ku wajahan xariirkaas

Laakiin Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xooga saaraya in uu noqdo waxyaabaha ugu horeeya ee laga doodo kalfadhigan oo shalay furmay, waxaana ay xooga saarayaan in meelmar uu noqdo oo Imaaraatka Carabta gabi ahaanba loo jaro xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Sidaas oo kale Nuqulada waxaa ku jira faragalinta Itoobiya oo aad looga hadlay, waxaana looga digay Addis Ababa in ay gabi ahaanba faraha kala baxdo arrimaha Soomaalida, oo ay ku e’ekaato caawinteeda ciidamada AMISOM iyo ka mid noqoshada dalalka ay Somalia ku midoobeen la dagaalanka Argagixisada
Developed by Jago Desain