Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Oo Bayaan Kasoo Saartay Khilaafka Ka Dhex Taagan Baarlamanka Soomaaliya

Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Oo Bayaan Kasoo Saartay Khilaafka Ka Dhex Taagan Baarlamanka Soomaaliya

Hay’ada Culimada Soomaliyeed ayaa bayaan ka kooban 7 qodob kasoo saartay khilaafka ka dhex aloosan aqalka hoose ee baarlamanka soomaliya, Culimada ayaa baarlamanka usoo jeediyay in ay xasuusnaadaan dhaartii ay mareen iyo balankii ay qaadeen sidoo kalena ay ku dhaqmaan xeer hoosaadka u yaal ee ay ku heshiyeen.
Sidoo kale culumidu waxay ugu baaqeen in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ay is ixtiraamaan isna kaashaadaan wixii khilaaf soo kala dhex galana aya ku dhamaystaan si wafaqsan sharciga, waxayna sheegeen in ay ka digayaan dhamaan hadalada xanafta leh oo keeni kara in dalku uu ku noqdo wixii dumiyay kuwaas oo ahaa qabyaalada,dulmi, danaysi iyo qof jeclaysi.
Baaqa ay culimda soo saareen waxay sidoo kale usoo jeediyeen dhamaan siyaasiyiinta soomaaliyeed in dalka ay ka ilaaliyaan faragelinta shisheeye dhawraana midnimadiisa iyo madaxbanaanidiisa.


Developed by Jago Desain