Madaxweyne Farmaajo oo casumaad rasmi u diray 4 Madaxweyne oo Afrikaan ah.

M/weyne Farmaajo oo casumaad rasmi u diray 4 M/weyne oo Afrikaan ah.

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa daaha ka rogay in uu Madaxweynaha dawladda Faderaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo casumaad rasmi ah oo kala duwan u fidiyey Madaxweynayaasha 4 wadan oo kuyaala Africa, si ay booqasho ugu tagaan caasumada dalkiisa ee Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa casumaadan u fidiyey dhawrkan hogaamiye, waxaa lagu sheegay in ay ka dhigan tahay in ay soo arkaan Soomaaliya oo mar ahayd mid kamid ah Libaaxyada ugu waa weyn ee Africa,isla markaasna qeyb ka qaadatay sidii ay wadamadoodu u gaari lahaayeen gobonimada iyo nabadda ay maanta haystaan.
Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay Madaxweynayaasha Rwanda Mr. Paul Kagame, Kenya Uhuru Kenyatta, Djibouti Ismail Omar Guelleh, Sudan Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani.
Axmed Ciise Cawad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha dalalka Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana

Developed by Jago Desain