Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalka Qatar

Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalka Qatar

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalka Qatar, halkaasi oo la qorsheeyay isaga iyo Wafdi Wasiiro ah inay tagaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu ka baaqday safarka dalka Qatar uu ku tagi lahaa, iyadoo uu taagan yahay khilaafka ka dhex jira Hay’adda Fulinta iyo Hay’adda Sharcidejinta Somaliya.
Madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inuu guda gali doono arrimaha la xiriira sidii loo xalin lahaa xiisadaha ka dhex taagan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federalka Somaliya, six al buuxa  loo helo.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Somaliya ayaa sheegaya safarka Madaxweynaha inuu sidaasi ku baaqday, maadaama suuragal aysan aheyn iyadoo khilaaf uu taagan yahay in Madaxweynaha uu baxo.
Madaxweyne Farmaajo ayaanan wali si toos ah uga hadlin khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka Somaliya iyo Xukuumadda, sida wax ku socdaana wuxuu ka daawanaya sheeda.

BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka CAlbari
BAargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain