Madaxweyne Gaas oo ka hadlay ceel biyoodkii ugu horreeyay oo riig ah ee laga hirgelinayo Gardafuu.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay ceel biyoodkii ugu horreeyay ee laga hirgelinayo Gardafuu.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta ka hadlay taariikhda markii u horraysay in ceel-biyood riig ah laga hirgelinayo gobolka Gardafuu ee Puntland oo biyo la’aan baahsan ay ka jirto.

Isagoo ka hadlayey kulan uu maanta Xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe kula yeeshay guddoomiyaasha gobollada Puntland, ayaa madaxweyne Gaas shacabka gobolka Gardafuu ugu hambalyeeyay ceel-biyoodkii u horreeyay ee la gaarsiiyo tan markii Soomaaliya xorriyadda qaadatay sannadkii 1960.

Gobolka Gardafuu ee Puntland oo ay xilligaan ay ka jirto abaar daran ayaa sidoo kale laga soo sheegaya biyo la’aan baahsan,iyadoo ay liidato xaaladda dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolkaasi oo aan wax ceelal-biyood ah lahayn,sidoo kalena aysan ka dhisnayn hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland.
Developed by Jago Desain