Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay Dabar go’a Geedka Quraca ah

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay Dabar go’a Geedka Quraca ah

Warbixin faah faahsan oo ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha degaanka ayaa lagu sheegay in ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya ay dabka u sii hurineyso dabar go’a Quruca oo ah Geed adag oo si qunyar ah u baxa, kaasi oo mudo dheer laf dhabar u ahaa ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya ee Malaayiinka Dollar laga macaasho.

Warbixinta ay sameysay Hay’adda Cunada iyo Beeraha ee QM ayaa waxaa kaloo lagu sheegay qiyaastii %5 sanadkii ay gaareyso tirada dhirta Quraca ah ee laga gooyo Soomaaliya, waxaana xaalada taagan ee xaalufka ah sii dardar gelinaya iyada oo aan dhir kale la beerin.

Geedka Quraca ah iyo dhirta kale ee Abaaraha adkeysiga u leh xooluhu calafka ka helaan xilliyada Abaaraha ayaa la sheegay hadii go’o in ay halis geli doonaan dadka ay noloshooda ku tiirsan tahay xoolaha nool.

Xalufka degaanka ee dhibta ba’an ku ah xoolaha iyo nolosha xoola dhaqatada waxa uga sii daraya QM oo ay sheegtay in ay tahay Dowlad adag oo aan jirin iyo dalka oo aan laheyn xeerar dhaqangal ah oo lagu maareeyo degaanka, waxaana QM ay ku baaqday in si qotodheer loo qiimeeyoo kartida Hay’adaha Dowladda ay u leeyihiin waxka qabashada xaalufka degaanka.

Xasilooni darada siyaasadeed ee jirta awgeed iyo kooxaha maleshiyaadka ee ka ganacsada dhuxusha ayaa iyaguna lagu sheegay in xowli dheeraad ah ay geliyeen xaalufinta dhirta.
Developed by Jago Desain