Sababta ka dambeyso mooshinka laga gudbiyey Jawaari oo la ogaaday iyo wararkii ugu dambeeyey

Wararka ka imaanaya xarunta barlamaanka fedraalka soomaaliys ayaa sheegaaya in Guddoomiye Jawaari uu markii hire asagu  waday olole xooggaan oo uu mooshin kaga keenayay Ra;’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa laga ogaaday arrinta uu wado Jawaari waxaana bilaabatay qorshooyin weerar celis ah oo lala eeganayo Guddoomiye Jawaari.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay inuu si deg deg ah isugu duwo xildhibaano badan si uu uga hor taggo weerarka uu abaabulayo Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari wuxuuna weerar celiskaaan lama filaan ku noqday Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dareemay culeys badan, waxaana hadda muuqday in looga guuleystay isla markaasna ay ugu dambeyn labada mooshin fashilmi doonaan.

Prof. Jawaari oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa Shantii sano ee ugu dambeysay ayaa isku dayay inuu ka badbaado weerarka culus ee uga imaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha waxayna middaan u noqotay cashir uusan iloobi doonin maadaama meel uu isaga weerari rabay laga soo weeraray.

jawaari iyo kooxda taageersan ayaa ku adkeysanaya inuu buray mooshinkii laga soo gudbiyey, halka xildhibaanadii Mooshinka keenay ay ku adkeysanayaan inuu sharci yahay isla markaasna Baarlamaanka Soomaaliya la hor geyn doono.
Developed by Jago Desain