Waa kuma dallaalka rasmiga ee ka dambeeyay heshiiska Dekedaha Boosaaso iyo Berbera



 Waxaa socday beryihii lasoo dhaafay hadal heynta heshiis saddex geesood ahaa oo lagu qeybsanayay saamiga dekedda berbara ee Wuqooyi Galbeed Jamhuuriyaddii Soomaaliya la isku oran jiray, haddana ay ka taliso Soomaaliland.
Haddaba anagoo ka duuleynna middaas, waxa aan idin soo gudbin doonnaa xog badan oo ku saabsan arrintaas,  dad badan ayaa iswayddiinaya sidee buu heshiiskan ku yimid? yaa mas’uul ka ahaa hinddisaheeda? sidee bay ku fududaatay? iyo su’aallo kale, kuwaas oo aan wayddiin tooda qoraallada soo aaddan jawaab ugu heli doonno.
Sultan Ahmed Bin Sulayem, waa mid kamid ah ganacsatada ugu caansan Imaaraadka, dhammaadkii 1970-naadkii, ayuu ka baxay waxbarashadiisa,  waa wiilka Ahmed bin Sulayem, oo caan ku ah ganacsiga iyo siyaasadda.
Wuxuu kasoo jeedaa qoys ganacsiga iyo siyaasadda, markii uu soo hanaqaaday mudane Sultan wuxuu bilaabay in uu ganacsi u hanqal taago, ugu dambeyn wuxuu noqday qof caan ah oo shaqooyin badan kasoo qabtay shirkadaha ugu caansan isku tagga imaaraadka carabta.
“Maalgashiga biyo guntiisa ay sidan oo kale u fogtahay waa wax soo jiidasho u leh qadadka Maraakiibta bariga Afrika, dib u cusbooneysiinteedana waxa ay noqon doontaa mid sara u qaadda hormarka dalka iyo dhaqaallaha gobolka”  ayuu Sultan Ahmed Bin Suleyam u sheegay saxaafadda xilli uu ka hadlayay heshiiska Berbera.
Maalqabeenka ayaa la soo xiriirray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliland mudane Dr Sa’ad Ali Shire kaas oo ay kawada hadleen suurta galnimada in Imaaraadka uu maalgashado Soomaaliland, durba Sa’ad ayaa u xaqiijiyay isagoo la tashanaya madaxwaynihii hore ee maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in ay saldhig militeri ay ka furan karaan gudaha Soomaaliland.
Sultan ayaa ku noqday dalkiisa, isagoo dawladdiisa tusay ahmiyadda dekedda Berbera ay u lahaan karto siyaasadda gobolka iyo middooda ku aaddan gacanka Cadmeed.
Imaaraadka ayaa si deg deg ah uga jawaabtay aragtida iyo qorshaha Sulayem, waxaana ay bilaabeen in ay sii indha indheystaan goobo kale oo suurta gal ah kana sii istaraatiijiyeysan Berbera.
Waxaa xigtay in Boosaaso soo arkoodaan, ka dib na iyana ay kala xaajoodaan dhanka maamulka Puntland, taas oo iyana lagu guuleystay.
Soomaaliland ayaa oggolaatay in Imaaraadka laga kireeyo Berbera sidoo kalena ay saldhigyo ciidan ay ku yeeshaan gudaha Soomaaliya, maaddaama siyaasad ahaan ay is waafaqsan yihiin dowladda Ethiopia oo xiriir kaalmo wadaag uu kala dhexeeyo maamulka Hargeysa.
Si kasta ha ahaatee dalaalka ugu wayn ee heshiiska Berbera wuxuu ahaa guddoomiyaha shirkadda DP World mudane Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo kamid ah dadka ugu caansan siyaasadda iyo dhaqaallaha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Developed by Jago Desain