War Deg Deg Ah: Gudoomiyaha Baarlamaanka oo goordhaw loogu baaqay in uu is casilo


Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goordhaw shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in uu is casilo.
Xildhibaanadan shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Gudomiye Jawaari, waxa ayna sheegeen in mooshinka ay gudbiyeen uu wali yahay mid taagan oo sharci ah.
Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanada shiray ayaa ahaa kuwa badan ay ku jireen Wasiiro, waxa ayna Xildhibaanadan ku eedeeyeen Gudoomiyaha Baaralamaank in uu ka been abuurtay in xarunta Baarlamaanka ciidamo la wareegeen.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Gudoomiye Jawaari in uu si deg deg ah isku casilo si loo soo afjaro jahwareerka Siaasadeed ee taagan iyo kala qeyb sanaanta Xildhibaanada.
Waxa ay sidoo kale Xildhibaanadan sheegeen in mooshinka la horgeyn doono Baarlamaanka kulanka ugu horeeya ay yeeshaan loona qaadi doono codka kalsoonida Gudoomiyaha Baarlamaanka hadii uusan is casilin kahor.
Xildhibaano siyaasad ahaan iska soo horjeeda ayaa maanta kulamo kala duwan ku leh magaalada Muqdisho, waxaana kulamadan imaanayaan xili uu sii xoogeesanayo khilaafka ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka oo labo garab u kala jabay.
Developed by Jago Desain