Xog: CC Sharmaarke oo Muqdisho kala soo dagay dhaqaale lagu badbaadiyo Jawaari


Warar madaxbanaan oo Lafayette helay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Cumar C/rashiid uu dalka ugu soo laabtay sida uu uga qeybqaadan lahaa isgarabtaaga Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay ku furan tahay mowjado Siyaasadeed.

Cumar C/rashiid, ayaa la sheegay in saacado uun kadib imaanshihiisa Somalia ay wada xiriireen Guddoomiye Jawaari, isagoo u ballanqaaday dhaqaale xoogan oo lagu kala furfuraayo culeyska ka heysta dhanka Xildhibaanada, wallow qadiyada lagu heysto Jawaari ay tahay mid aan lagu doorankarin dhaqaale.

Cumar C/rashiid, ayaa dhaqaale xoogan kala imaaday dalka Imaaraadka Carabta taa oo loogu tallo galay in lagu kala daadiyo Mooshinka ay tiradiisa sii kordheyso, waxaana lasoo sheegayaa in Cumar C/rashiid uu wado kulamo kala duwan.
Cumar C/rashiid, ayaa arrintaan waxaa kala shaqeynaaya Xildhibaano garab ku ah, inkastoo Xildhibaanada ugu badan ay cabsi gaara ka muujinayaan in lagu ag sawirro Cumar C/rashiid oo il gaara ay ku heyso dowlada Somalia.
Sidoo kale, wararka aan heleyno ayaa intaa kusii daraaya in Cumar C/rashiid ay wada ballameen Guddoomiye Jawaari oo aan xiligaan ka faruqin kulamo joogta ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qaabka uu ku dhici doono kulankooda.
Cumar C/rashiid, ayaa waayadan ka caaganaa imaanshiyaha magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay dowlada Somalia ka warheshay in isaga iyo C/raxmaan C/shakuur ay wadeen afganbin dhicisoobay oo lala damacsanaa dowlada.

Dhinaca kale, waxaan cadeyn sida uu xaalku noqon doono waxaana xusid mudan in imaanshiyaha Cumar C/rashiid kadib uu Jawaari sheegay inuu jiro Mooshinka, uuna codsanayo in 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo, taa oo muujineysa inay soo gaartay lacag.
Developed by Jago Desain