Diyaarad ay la socdeen Saraakiil Imaaraadka oo lagu xanibay Garoonka Boosaaso

Diyaarad ay la socdeen Saraakiil Imaaraadka oo lagu xanibay Garoonka Boosaaso

Wararka ka imaanayo magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad ay leedahay Imaaraadka halkaas lagu xanibay.
 Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay xanibeen diyaaradaan oo ay wateen tababarayaasha ciidamada Imaaraadka kadib markii ay diideen in la baaro diyaarada oo la sheegay inay wado boorsooyin waaweyn.
Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in alaabta baaritaan la’aan aysan mareynin garoonka,iyadoo dhinaca kale saraakiisha ciidamada Imaaraadka ay ku adkeysteen inaan la baareyn oo ay alaabta gudbeyso.
Lama garanayo waxa ay sido diyaaradda ee ku jira boorsooyinka iyo Sanaadiiqda la sheegay inay saaran yihiin diyaarada kuwaas oo ay saraakiisha ciidamada Imaaraadku ay diideen in la baaro.
Dhawaan ayeey aheyd markii lacag dhan 9.6 Milyan oo doolarka Mareykanka oo Imaaraadka ay wateen lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo Imaaraadka ay sheegeen inay aheyd lacag loo waday Ciidamada Imaaraadka ay tababaraan.
Xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Somaliya ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay, markii Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay lacagta Imaaraadka ay lahaayeen.
Developed by Jago Desain