Haweenay shabakada YouTube ilmo isaga dhalisay kaligeed

Haweenay shabakada YouTube ilmo isaga dhalisay kaligeed

Haweenay ku nool dalka Maraykanka ayaa sheegtay in markii ay foosha qabatay xili ay kaligeed ku jirtay qol hoteel ku yaala in ay shidatay shabakada Youtube-ka, kadibna raadisay sida loo dhalo, taasna ay ka caawisay in ay iyadu iska umuliso.
Tia Freeman oo ku nool magaalada Nashville ayaa u sheegtay warbaahinta Newsbeat in uusan jirin qof kale oo caawiyay oo aanan ka ahayn Youtube-ka.
Tia iyo ilmaheeduba caafimaadkooda hadda waa mid wanaagsan.
Tia oo 22 jir ah ayaa safar ku joogtay dalka Jarmalka iyada oo aad xaamilo u ah xiliga ay qabanaysay foosha.
Waxa ay biyo qandac ah ka buuxisay barkadda musqusha, waxa ay soo qaadatay dhawr shukumaan, kadib ayay shidatay Youtube-ka inta dhexgashay barkadda.

Intii ay foosha socotay, Tia ayaa boggeeda Twitter-ka ku qoraysay xanuunka ay marayso iyo waxa meesha ka socda.
Waxa ay isticmaashay xariga kabaha raga si ay u goyso xuddunta ilmaha.
Markii subixii xigay ay garoonka kula laabatay ilmaheeda cusub si ay dalkeeda ugu laabato, ayay sheegtay in shaqaalihii garoonka oo dhan ay wada naxeen, islamarkaasna u maleeyeen in ay ilmo soo xadday.
Wiil ayay dhashay, waxayna u bixisay Xavier.
Shirkadda duulimaadka Turkiga ayaa ka bixisay qarashka labo todobaad ay ku degenaan lahayd hoteel ku yaala magaalada Istanbul si ay halkaas ugu umul baxdo. Waxaana baaray koox dhaqaatiir ah.
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aad u hadal hayay dhacdadan, waxayna ka dhiibanayeen aragtiyo kala duwan.
Xigasho : BBC Somali
Developed by Jago Desain