Wasiirkii ugu horeeyey oo isu casilay Tartanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha, isagoo noqday ninkii u horeeyay ee xil isagoo haya iska casila, isna sharaxa. Mudanahaan ayaa isu casilay si uu u buuxiyo shuruudda Guddiga doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay ka mid tahay in Wasiirada u tartamaya xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka iska casilaan xilkaas ka hor inta aysan tartamin. Guddiga Qaban-qaabada doorahada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa shalay soo saaray jadwalka doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa. Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo. Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe ee dowladda. Kharashka isdiiwaangalinta Musharixiinta waa 15,000 dollar Maraykanka. Jadwalka Doorashada: Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM(Taariikh 23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado). Hadal-jeedinta murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis). Diyaar-garowga iyo is-xog wareysiga guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad) Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin). Dhanka kale Musharixiinta ilaa hadda isasoo sharaxay ayaa gaaraya ilaa 12 Musharax.

Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha, isagoo noqday ninkii u horeeyay ee xil isagoo haya iska casila, isna sharaxa
Mudanahaan ayaa isu casilay si uu u buuxiyo shuruudda Guddiga doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay ka mid tahay in Wasiirada u tartamaya xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka iska casilaan xilkaas ka hor inta aysan tartamin.
Guddiga Qaban-qaabada doorahada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa shalay soo saaray jadwalka doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
  1. Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa.
  2. Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.
  3. Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe ee dowladda.
  4. Kharashka isdiiwaangalinta Musharixiinta waa 15,000 dollar Maraykanka.
Jadwalka Doorashada:
Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM(Taariikh 23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado).
Hadal-jeedinta murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis).
Diyaar-garowga iyo is-xog wareysiga guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad)
Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin).
Dhanka kale Musharixiinta ilaa hadda isasoo sharaxay ayaa gaaraya ilaa 12 Musharax.
Developed by Jago Desain