Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal ( Sawirro)

Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal ( Sawirro)

30 arday oo isgu jiray wiilal iyo gabdho oo kamid ahaa da’yarta Dugsiga Daar Aw-Cumar ee Xifdinta Quraanka Kariimka ,tajwiidka iyo waxbarashada asaasiga ah ayaa maantay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay loogu qabtay magaalda Baargaal ee gobolka gardafuu kadib markii ay quraanka kariimka xifdiyeen.
Xaflada ayaa waxaa goob joog ka ahaa waalidiinta da’yarta , Masuuliyiinta waxbarashada, Maamulka Degmada , nabadoono , culamaaudiin waxgarad ganacsato iyo dadwayne jecel barashada iyo xifdinta quraanka
Munaasabadda ayaa da’yarta iyo waalidiintoodaba qiimo badan ugu fadhiday ayadoo culimadii iyo waxgaradkii ka hadlay munaasabadaas ay si fiican uga hadleen fadliga iyo nuurka uu leeyahay quraanku , taasoo xiiso badan u yeeshay in da’yar dadan iyo waliba dad waawayn ay niyada ku qabtaan sidii ay quraanka u xifdin lahaayeen.
Ugu horayn waxaa munaasabada ka hadlay  maamulaha iyo aasaasaha Dugsiga Daar Aw cumar Shiikh Cawil Jaamac Muuse oo ku dheeraaday taariikhda Dugsiga daar Aw-Cumar asagoo shegay inuu dugsigu isugu jiro labo qaybood oo kala ah qaybta xifdinta quraanka iyo qayb kale oo lagu barto waxbarashada asaasiga ah , asagoo intaasi ku daray inay xooga saareen inay ubadka baaran dhaqanka islaamka iyo tarbiyada maadaama waxbarista oo dhan ay ka bilaabanto aadaab suuban.
intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay  Shiikh daahir faatax oo amaanay maamulka dugsiga Dar Aw-Cumar dadaalka ay u galeen inay ubadka baraan kalaamka alle oo ah quraanka uuna yahay wax la barto dadkana la baro kan ugu khayrka badan.
Xafladan loo qabtay 30-ka arday ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay waalidiin , xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo badan , kuwaaas oo dhamaan ku booriyay waalidiinta inay ku dadaalaan sidii ay u xoojin lahaayeen gacan ku haynta da’yartaasi si aan quraanku uga lumin , sidoo kalena ugu duceeyeen inay noqdaan kuwo ku dhaqma quraanka ay xifdiyeen.
Ugu danbayntii xaflada ayaa ardaydii lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinkoodii iyo abaal marino kale oo maamulka dugsigu ugu soo talagaleen , waxaana si wayn looga dheehan karay ardaydaas iyo waalidiintoodiiba farxad aad u balaaran






















Developed by Jago Desain