XOG: Faahfaahin ka soo baxaysa Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Barriga fog ee Puntland

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay diyaaradaha dagaalka ee wadamada Reer Galbeedku ku qaadeen goobo la rumeysan yahay in ay kusugnaayeen horjoogayaal katirsan kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee DAACISH, gaar ahaana deegaanada Barriga fog ee gobalka Barri. Inta la xaqiijiyey ilaa hadda jug culus ayaa laga maqlay deegaan ku dhaw deegaanka Dhaadaar oo katirsan degmada Qandala ee gobalka Barri, waxaana la rumeysan yahay in lagu weeraray bartilmaameed ay baadigoobayeen diyaaradaha dagaalka. Xog kale oo la helay ayaa cadeynaysa in ay jiraan khasaare soo gaaray kooxda DAACISH, inkastoo ay laamaha Ammaanka ee Puntland ka gaabsanayaan faahfaahin dheeraad ah. Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Puntland kana gaabsaday sheegida magaciisa ayaa u sheegay Idaacada Codka Mareykanke ee VOA-da in la beegsaday horjoogayaal katirsan DAACISH, wuxuuna sheegay in aysan wali heynin warar dheeraad ah. Cidda ilaa hadda weerarkan fulisay ma cada, balse wadamada Reer Galbeedka ayaa xariir wanaagsan kala dhaxeeyaa ciidamada La dagaalanka Argagixisada ee Puntland, kuwaas oo inta badan si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyada Argagixiso ee kasocda gobalka Barri oo ay labadiisa dhinacba ku sugan yihiin Al- Shabaab & Daacish.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay diyaaradaha dagaalka ee wadamada Reer Galbeedku ku qaadeen goobo la rumeysan yahay in ay kusugnaayeen horjoogayaal katirsan kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee DAACISH, gaar ahaana deegaanada Barriga fog ee gobalka Barri.

Inta la xaqiijiyey ilaa hadda jug culus ayaa laga maqlay deegaan ku dhaw deegaanka Dhaadaar oo katirsan degmada Qandala ee gobalka Barri, waxaana la rumeysan yahay in lagu weeraray bartilmaameed ay baadigoobayeen diyaaradaha dagaalka.

Xog kale oo la helay ayaa cadeynaysa in ay jiraan khasaare soo gaaray kooxda DAACISH, inkastoo ay laamaha Ammaanka ee Puntland ka gaabsanayaan faahfaahin dheeraad ah.

Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Puntland kana gaabsaday sheegida magaciisa ayaa u sheegay Idaacada Codka Mareykanke ee VOA-da in la beegsaday horjoogayaal katirsan DAACISH, wuxuuna sheegay in aysan wali heynin warar dheeraad ah.

Cidda ilaa hadda weerarkan fulisay ma cada, balse wadamada Reer Galbeedka ayaa xariir wanaagsan kala dhaxeeyaa ciidamada La dagaalanka Argagixisada ee Puntland, kuwaas oo inta badan si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyada Argagixiso ee kasocda gobalka Barri oo ay labadiisa dhinacba ku sugan yihiin Al- Shabaab & Daacish.
Developed by Jago Desain