XOG -Wafti Ka Socda Dowladda Soomaaliya oo Puntland Ku Wajahan Si ay Ula Wareegaan Ciidanka PMPF ee Imaaraadku Tababaray.

XOG -Wafti Ka Socda Dowladda Soomaaliya oo Puntland Ku Wajahan Si ay Ula Wareegaan Ciidanka PMPF ee Imaaraadku Tababaray.

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in wafti ka socda dowladda Soomaaliya ay dhowaan imaan doonaan deegaamada Puntland si ay qayb uga noqdaan xubnaha lagu wareejinayo ciidanka badda Puntland oo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabtu.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in waftiga ka socda dowladda Soomaaliya ee lagu wareejinayo ciidankaasi ayaa waxaa la sheegay inuu hogaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyadoo  wasiirka iyo waftigiisa iyo madax dowladda Puntland ay Imaaraadka kala wareegi doonaan guud ahaan saldhiggaasi.
Dhanka kalena, Xog hoose oo ay warbaahinta guduhu heshay ayaa waxa ay sheegaysaa in dowladda dalka Imaaraadka Carabtu ay qorshaynayso inay ka baxdo guud ahaan dalka Soomaaliya, ciidamada ay gacanta ku haysana ku wareejiso dowladda Soomaaliya.
Warar hoose ayaa tibaaxaya in Imaaraadka Carabtu uu go’aansaday in la xiro dhamaan xeryaha tababaradooda oo kuyaala Kismaayo, Muqdisho, Baraawe & Boosaaso, iyagoo door-bidaya in ay dawlad gobaleedyadaas cadaadis xoog badan saaraan.

Warbaahinta ayaa ogaatey in saraakiisha gacanta ku haysa xeryaha tababarada ciidanka ee kuyaal magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Boosaaso ay bilaabeen inay furfurtaan qalabkii u yaaley xeryaha kuyaal xeebahaasi.
Wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu 12-kii bishaan April ku dhawaaqay in xukuumadda Soomaaliya ay la wareegayso guud ahaan ciidanka uu tababaray Imaaraadku, taasi oo muujinaysa in dowladda Soomaaliya aysan u baahnayn taageerada Imaaraadka Carabta.
Developed by Jago Desain