AKHRISO Saddex sababood oo uu Trump ku laalay heshiiskii Iran

Saddex sababood oo uu Trump ku laalay heshiiskii Iran
Madaxweyne Donald Trump waligiisba kama uusan soo horjeedin heshiiska Iran sida uu hadda uga soo horjeedo oo kale, mana ahayn arrin ku weyn codbixiyeyaasha si la mid sida ay ugu weynaayeen arrimaha socdaalka, balse maxay tahay sababta uu hadda uga baxay heshiiska?
Waxay ahayd tallaabo muddo billooyin ah hadalheynteeda la hayay inkasta oo xulufada Maraykanka isku dayeen in ay Trump ku qanciyaan in uusan farogalin heshiiska.
Markii uu ku dhawaaqayay in uu heshiiska laalayo, ayuu dhanka kale sheegay in uu u furanyahay in uu wada xaajood ka galo heshiiska.
Aragti uruurin laga sameeyay dadka Maraykanka ayaa waxa ay muujinaysaa in dadka intooda badan ay taageersanyihiin in heshiiska lagu sii jiro, hase yeeshee Trump waxa uu sheegay in tallaabada uu qaatay ay tahay balan uu horey uga qaaday codbixiyeyaasha, balse arrintaas sax ma ahan, waayo, maba jirin balan noocaas ah.
Haddaba maxay yihiin sababaha dhabta ah ee uu Trump uga baxay heshiiskan? , waa kuwan xagga hoose ku taxan saddex ka mid ah.

Burburinta sooyaalkii ObamaTrump ayaa go'aankiisa heshiiska Iran ku saleeyay aragtidiisa shaqsiyadeed, isaga oo marar badan durey xogyahihii arrimaha dibedda ee hore John Kerry, kaas oo ahaa ninkii saxiixay heshiiska, isaga oo xitaa ku maadsaday markii uu Kerry ka dhacay baaskiil, lugtana kaga jabay.

Sida lagu sheegay warbixino kala duwan, isku dayo kala duwan oo uu Kerry sameeyay dhawaanahan oo ahaa in uu la xiriiro Iran ayaa Trump ku riixday in uu go'aankan qaato.
Fariin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu ku yiri "John Kerry waa ka ka daadegi la'dahay in uu fursadiisa soo qaatay, islamarkaasna lumiyay, waxaan leeyahay faraha kala bax wadahadalada John, dalkaaga ayaad wax u dhimeysaa".
Tan iyo intii xilka loo dhaariyay, Trump waxa uu meesha ka saaray wax kasta oo weyn oo u qabsoomay madaxweynihii ka horeeyay, Barack Obama.
Isaga oo todobaad uun xafiiska jooga, Trump waxa uu tirtiray heshiiskii ganacsiga ee Trans-Pacific, waxa kale oo bishii June ku dhawaaqay in uu ka baxayo heshiiskii cimillada ee Paris.
Waxa kale oo uu meesha ka saaray xeerkii lagu difaacayay dadkii sida sharci darada Maraykanka ku galay yaraantoodii.
Waxa uu dib usoo rogay cunaqabatayn ka dhan ah dalka Cuba iyo xayiraad xagga socdaalka , taas oo ahayd tallaabo uu ku raadgurayo Obama oo muddo dheer kadib caadiyeeyay xiriirka Maraykanka iyo Cuba.

Taageerada Netanyahu

Markii Trump la doortay, aad ugama uusan soo horjeedin heshiiska Iran sida uu hadda ku yahay oo kale. Inkasta oo uu sheegay in heshiiska uu ahaa qalad la galay, ayuu haddane tibaaxay in uu sii xajin doono balamaha uu Maraykanka sameeyay.
Balse mucaaradada adag ee uu hadda kala soo horjeedo heshiiska ayaa waxaa loo tiirin karaa taageerada adag ee uu u hayo ra'isulwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
Markii uu hadal ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee ururka u ololeeya arrimaha Yuhuuda ee Maraykanka, ayuu sheegay in ujeedkiisa koowaad uu yahay in uu burburiyo heshiiska Iran.
Markii uu madaxweynaha noqday waxa uu xitaa bilaabay qorshe ah in uu safaaradda Maraykanka u raro magaalada Qudus.
Markii uu ka baxayay heshiiska, waxyaabaha uu cuskaday waxaa ka mid ah caddeymo la sheegay in uu soo bandhigay Netanyahu.

Wajiyo cusub oo maamulka kusoo biirey

Dhawr jeer ayuu u dhaqaaqay in uu laalayo heshiiska sanadkii lasoo dhaafay, isaga oo markasta gadaal uga noqonayay.
Waxaa la sheegay in saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulkiisa sida xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Rex Tillerson ay kala taliyeen in uu heshiiska ka boxo, waxaa kale oo kala taliyay la taliyihiisa xagga amniga HR McMaster iyo xoghayaha difaaca James Mattis.
Raggaas maanta Mattis oo kaliya ayaa kasoo haray, waxayna u egtahay in saameyntiisii ay sii daciiftay.
Labada kale waxaa badalay Mike Pompeo iyo John Bolton sida ay isugu xigaan, waxaana labadan ninba loo arkaa kuwa lid ku ah Iran.
Dhanka kale marka laga eego, muddo 15 bilood ah ayay Trump ku qaadatay in uu dhiso koox siyaasadda arrimaha dibedda isku aragti ka ah.
Xigasho : BBC Somali
Developed by Jago Desain