DAGAALKA TUKARAQ OO XOOGAYSTAY


Dagaal saaka hiraabtii hore ka qarxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa haatan aad u xoogaystay ,sida ay xaqiijinayan qaar kamid ah dadka ku sugan nawaaxiga degaankaasi.

Weli war sugan lagama hayo sida dagaalkan ku bilowday iyo dhinaca bilaabay midna,balse saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo diiday in magacooda la xigto ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay dagaalka bilowday.

Dagaalkaan oo socda in ka badan saddex saac oo xiriir ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhacayo ilaa saddex aag oo kala duwan,

Dawladda Puntland ayaa goor dhaw soo saartay warsaxaafaded rasmi ah oo ay uga hadlayso dagaalka ay maanta soo qaadeen ciidamada Maleeshiyaadka Somaliland.

Puntland ayaa sheegtay in weerarkan lagu soo qaaday ayna si adag iskaga difaaceen weerarkan


Developed by Jago Desain