Dawladda PL oo ku dhawaaqday guul dagaal, shaacana ka qaaday in Laascaano ciidamadu kuwajahan yihiin

Dawladda PL oo ku dhawaaqday guul dagaal, shaacana ka qaaday in Laascaano ciidamadu kuwajahan yihiin


Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo kamid ah guddiga Difaaca ee dawladda Puntland, kuna sugan jiidaha hore ee ay dagaaladu ka socdaan oo la hadlay warbaahinta dawladda Puntland, Puntlandtv/RADIO ayaa u sheegay in ay horumar weyn oo dagaal gaareen ciidamada Difaaca ee dawladda.
Wasiirka ayaa sheegay in ay gaadiid dagaal iyo maxaabiisba ka qabteen Somaliland, qaarna la gubay gaadiidka dagaalka oo ay soo bandhigi doonaan.
Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in ay dulaan ku soo qaadeen Somaliland saaka ciidamada difaaca ayna dawladdu ka jawaabtay, haddana uu dagaalku ka socdo deegaan u dhaxeeya Gambara & Tukaraq.
Mr, Qarjab ayaa sheegay in ay faahfaahin badan oo khasaaraha oo dhan ku dhan yahay ay dib ka sheegi doonaan, iyadoo uu wali socdo dagaal xoog leh oo ka socda goobaha dagaalka.
Wasiirka ayaa sheegay 10KM ay ciidamada Puntland ku durkeen magaalada Laascaanood, ayna ku wajahan yihiin ciidamadoodu.

HALKAN KA DHAGAYSO CODKA WASIIRKA 
Developed by Jago Desain