DEG-DEG:- Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo caawo lagu dilay Gaalkacyo

DEG-DEG:- Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo caawo lagu dilay Gaalkacyo


Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Daahir oo ka tirsanaa Barlamaanka dowladda Puntland ayaa caawo fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dabley hubaysan ayaa xildhibaaanka ku dilay agagaarka hotel Classic oo kuyaala bartamaha Gaalkacyo, waxaana sidoo kale weerarka ku dhintay askari ilaaladiisa kamid ahaa.

Marxuumka oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka GMC, ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, sida ay Puntlandi u xaqiijiyay ilo goobta ku sugnaa.

Dhagarqabayaashii dilay xildhibaanka oo aan la garanayn haybtooda, ayaa goobta isaga baxsaday.

Xildhibaan Cabdixakiin, ayaa kamid ahaa xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Mudug, wuxuuna muddo ku dhow 6 sano uu kamid ahaa Barlamaanka Puntland.

Baargaal.net
Breaking News 
Developed by Jago Desain