DEGDEG AKHRISO: Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro cusub.

Labada masuul ee maanta la magacaabay ayaa ka mid noqon doonaa golaha Xukuumada ee Puntland, waxaana wareegto ka soo baxday Xaafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u qorneyd. Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo. Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland. 1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka. 2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw magacaabay Wasiiro ka mid noqonaya golihiisa Xukuumadda, waxaana la buuxiyey boosas ka banaanaa wasaaraddaha qaarkood.
Madaxweyne Gaas ayaa wasiirka Beeraha ee Puntland u magacaabay Daahir Xaaji Khaliif, waxaana horey Jagadan uga geeriyooday Cabdinuur Cilmi Biindhe oo afar sanno kasoo mid ahaa golaha Xukuumada ee Puntland, balse ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Puntland ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud, waxaana booskan dhawaan xilkan laga qaaday Maxamuud Maxamed cali oo lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Labada masuul ee maanta la magacaabay ayaa ka mid noqon doonaa golaha Xukuumada ee Puntland, waxaana wareegto ka soo baxday Xaafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u qorneyd.

Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo.
Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland.
1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka.
2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda
Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.
Developed by Jago Desain