May 09, 2018

Imaaraadka iyo Sucuudiga oo taageeray go’aanka Trump ee heshiiska Nukliyeerka Iran

SHARE

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa taageeray go’aanka dowladda Mareykanka ay uga baxday heshiiskii dhinaca Nukliyeerka ee ay waddada Lixda ahaa la galeen Iraan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaciyay in dalkiisa uu ka baxay heshiis uu ku sheegay mid hal dhinac ah oo u daneynayay Dowladda Iraan.
Go’aankan waxaa bogaadiyay Maamulka Israel uu muddaba ka shaqeynayay sidii heshiiskaas loo baabi’in lahaa waana ay ku guuleysatay ugu dambeyn.
Warbixin ay soo saareen Waddamada Imaaraadka iyo Sucuudiga ayey ku sheegeen in ay dowladda Mareykanka ku raacsanyihiin go’aanka ay uga baxday heshiiskii dhinaca Nukliyeerka ee lakala saxiixday 2015kii.
Wakaaladda Wararka Dowladda Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in dowladda Sucuudiga ay ku raacsan tahay mareykanka go’aanka uu Trump ka qaatay heshiiskaas.

xigasho : wakaalado 

Shabakada Baargaal.net
isha wararka Horumarka Calbari 
SHARE

Author: verified_user

Featured Post

Magaalada Taageer ee Degmada #Baargaal ee Gobolka #Gardafuu oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab [Sawiro]

Magaalada  Taageer ee Degmada Baargaal  ee gobalka Gardafuu waxaa  lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi Nabadon Caynab muuse Xaaji Sa...