Imaaraadka oo u yeertay Madaxweynaha Hirshabeelle isagoo cidna la socon

Imaaraadka oo u yeertay Madaxweynaha Hirshabeelle isagoo cidna la socon

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in dhawaan uu gaaro magaalada Abu-Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta kadib markii casuumaad uu ka helay madaxda dalkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay xiriir hoose u socday.

Madaxweyne Waare oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u baxo Imaaraadka sida ay noo xaqijiyeen Saraakiil ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle iyo Labo qof oo Xoghayn iyo Kaaliye u ahaa ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana Nairobi ku soo haray Madaxweyne Waare oo kaliya kaas oo dhawaan ka sii bixi doono.

Wararka sheegaya In Imaaraadka Madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbadeen inuu Yimaado Abu-Dubai iyadoo aan qofna la socon arintaasna uu aqbalay Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa raaci doono wadadii ay mareen Madaxweynayaashii kale ee Maamul Gobaleedyada ee ku aadan go’aankii laga qaatay Khilaafka Khaliijka.


Developed by Jago Desain