Roob mahiigaan ah oo ay ku Diirsadeen Dadka Iyo Duunyada Oo Ka da,ay magaalada baargaal iyo nawaaxigeeda

Roob mahiigaan ah oo ay ku Diirsadeen Dadka Iyo Duunyada Oo Ka da,ay magaalada baargaal iyo nawaaxigeeda


Waxaa magaalada Baargaal iyo Nawaaxigeeda saacado badan oo xiriir ah ka da’ay roob mahiigaan ah, kaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobkan ayaa biya badan dhigay dhammaan wadooyinka iyo baliyada dhexmara gudaha iyo nawaaxiga magaalada Baargaal , waxaana todobaadka biyo xoogan ay mareen togga wayn ee Duuba , Docolaati , Hadir dheere , dawacaleey , duuba yara, suraaryo , xaarshe , gargoorya   waxaana sidoo kale Biyo badani Ka soo Dhaceen qararka Moqor,Moorahante ,Dhadhaablaho,xuruuj, magagax, waracle ,iyo meelo kale oo badan

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo u waramay SHABAKADA BAARGAAL.NET ayaa sheegay inay Ilaahay uga mahad celinayaan naxariista iyo raxmadda uu cirka uga soo dajiyay.
Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo la sheegay inuu roobkaas ka dhashay aan ka aheen warar been ah oo sal iyo raad aan lahayn oo lagu faafiyay warbaahinta qaar .

Magaalada Baargaal iyo nawaaxigeeda ayaa in muddo ah uusan ka di in wax roob ah iyadoo maalmahan laga dheehan karay wajiyada bulshada ku dhaqan magaalada Baargaal sida ay ugu faraxsanyihiin nimcada eebe keenay


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Deegaanka Calbari 






Developed by Jago Desain