SAWIRO: Save The Children oo doonyo nooca gar-gaar deg-deg ah ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Puntland

Save The Children oo doonyo nooca gar-gaar deg-deg ah ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Puntland

Hay’adda Save the Children ayaa waxa ay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ku wareejisay labo doomood oo nooca dheereeya ah isla markaana loogu talagalay gar-gaarka caafimaadka deg-degga ah gaar ahaan gar-gaarka dhanka caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka.
Doomahan oo ah kuwii ugu horeeyey oo noocan oo kale ah ayay mas’uuliyiinta hay’adda Save the Childrend waxa ay sheegeen in loogu tala galay kor u qaadida adeegyada caafimaad ee laga helo gobolada Bari, Gardafu iyo Karkaar, iyadoona loo isticmaali doonaa gaarsiinta dadka bukaanka ah isbitaalka magaalada Bosaso oo bukaanada la gaarsiinyaana ay ka mid yihiin hooyooyinka uurka leh iyo dhallaanta xanuunsanaya.
Wasiirka Dr. Cadbinasir Cusman Ciise oo madasha ay kula wareegayeen doonyahan hadal ka jeediyay ayaa soo dhoweeyey dadaalka Save the Children ay ugu jirto helidda adeegyada caafimaadka, isagoona sheegay in wasaarada caafimaadka iyo hay’adda Save the Children ay leeyihiin xiriir dhow, markastana ay kasoo jawaabaan baahiya jira
Wasiirka Cuuke ayaa sidoo kale tilmaamay in wasaarada caafimaadka Puntland ay lahayd Fikradda ah in lahelo doonyo dheereeya kuwaas oo u shaqeeya qaabka ay u shaqeeyaan gaadiidka loogu tala galay gargaarka deg dega ah.
Madaxa Hay’adda Save the Children ee Puntland Cabdiqafar Cilmi Xange ayaa dhankiisa sheegay ka hay’add ahaan ay shaqeyn doonaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka haysta hooyada iyo dhalaanka oo ay ugu weyn tahay helidda adeegyada caafimaadka degmooyinka fog fog.
“Hooyooyin badan ayaa naftoodu ku waayi kara dhibaatada wadooyinka ee gobolka ka jira. Waxa aan ka fakarnay qaab loo dhimo karo dhimashada ay sababi karto waddo xumadu, waana sababta aan u keenay doomahan loo isticmaalayo gargaarka degdegga ah,’’ Cabdiqafar Cilmi Xange, hormuudka Hay’adda Save the Children ee Puntland ayaa yiri.
“Waxaan rajeynaynaa in ay doomahan badbaadiyaan nolosha hooyooyin badan oo qaarkood uur leeyihiin iyo carruurtooda.’’
Doonyahan ay maanta la wareegtay wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa marka laga reebo in ay yihiin doonyuhu dheereeya, waxa kale oo jira in doonyahan laga heli karo dhammaan adeegyada gar-gaarka deg-degga ah ee uu bukaanku u baahanyahay ka hor intuusan goobaha caafimaadka soo gaarin.
Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay safka hore uga jirto wadamada dhibaatooyinka ay la kulmaan hooyooyinka xiliga dhalmada.,waxaana 22-kii dumar ahba mid ka mid ah la sheegaa in ay khatar ugu jirta dhimashada xilliga dhalmada.
Sida laga soo xigtay hey’adda UNICEF , 12-kii dumar  mid ka mid ah ayaa waxa ay u dhimatay sababo la xiriira uurka. Puntland 38% oo kaliya dumarka ayaa ku dhala isbitaalada ama ay ka umulisaa umuliso xirfad aqooneed leh.
Save the Children waxa ay adeegyada caafimaadka ka shaqeynaysay tan iyo sanadkii 2006.
Sanadkii inasoo dhaafay oo ay deeganaada Puntland ka jirtay abaar dad iyo duunyaba samaysay, Save the Children waxa ay adeeg caafimaad gaarsiisay ku dhowaad 1.6 milyuun oo qof.




Developed by Jago Desain