SAWIRRO:- Wasaaradaha Awqafta Iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Iyo Kuwait Oo Heshiis Iskaashi Wada Saxiixday.

SAWIRRO:- Wasaaradaha Awqafta Iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Iyo Kuwait Oo Heshiis Iskaashi Wada Saxiixday.
Wasiiru Dowlaha ahna Siihayaha Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMudane Cabdixakiim Xasan Ibrahim iyo Wafdi uu Hoggaaminaya oo uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cumar Faaruq, ayaa Booqasho rasmi ah ku Jooga Dalka Kuwait.

Wasiirka ayaa kulan la Qaatay Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Diinta Dalka Kuwait, waxaana kulan shaqo oo si qoto dheer loogu lafaguray iskaashiga Labada Wasaaradood ee dhinacyada manaahijta diiniga, dhismaha iyo dayactirka Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto, ay Dhinacyadu gaareen Heshiis Iskaashi oo Labada Wasaaradood u dhexeeya.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait, ayaa sii xoogeysanaya iyadoo tani ay daliil u tahay booqashooyinka isdaba jooga ee wafuud Soomaaliyeed oo heer Wasiir ah ay ku tageen Dalka kuwait labadii usbuuc ee u dambeeyay.
Heshiiskan ayaa la rajeynayaa in uu horseedi doono iskaashi miro dhala oo Labada Wasaaradood ay ku tallaabsadan.

Sixiixa Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa, isla markaana soo qaban qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dalka Kuwait,  iyadoo ay goobjoog ahaayen Siihayaha Safaaradda Mudane Abiib Muuse Faarax, oo gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Labada dal iyo dardargelintiisa.

SAWIRRO.

W3W6W7W8

Developed by Jago Desain