Daawo: Machad lagu baranaayo culuumta Shareecada Islaamka iyo luqada Carabiga oo laga furay magaalada Baargaal

Machad lagu baranaayo culuumta Shareecada Islaamka

Machad lagu baranaayo culuumta Shareecada Islaamka iyo luqada carabiga oo taabacsan kuliyada shareecada ee jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada boosaaso ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Baargaal ee gobolka gardafuu kaasi oo loogu magacdaray Machadka Shareecada Islaamka ee ee aflax.

Xaflada furitaanka ayaa ahayd mid si wayn loo soo agaasimay iyadoo ay ka soo qayb qaateen masuuliyiin ka socatay maamulka Degmada Baargaal ,Ganacsato , Aqoonyahano ,Nabadoono , Cuqaal, arday Macalimiinta Xarumaha Waxbarashada ,dadweyne iyo culuma,udiin si weyn looga yaqaan Deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan

Machadka iyo sababaha loo Aas aasay ayaa waxaa faah faahin dheerka bixiyay maamulaha machadka iyo xarunta daar aw cumar ee xifdinta quraanka kariimka iyo tacliinta asaasiga ah Shiikh cawil jaamac muuse.

Waxaa kale oo goobta ka hadlay Macalimiin , waxgarad iyo Isimo ka soo jeeda deegaanka iyaga oo u mahad celiyey aasaasayaasha machadka waxayna ugu baaqeen dhalinyarada in ay ka faa,ideystaan Machadka al aflax

halkan ka daawo 












Developed by Jago Desain