Maqaal : Aragtida Islaam-ka ee ka Ganacsiga Bitcoin

Maqaal : Aragtida Islaam-ka ee ka Ganacsiga Bitcoin

Waa Maxay Bitcoin?
Bitcoin waa nidaam lacag-bixineed oo caalami ah waana hanaan lacageed kii ugu horeyey oo dijitaal ah kaas oo aysan jirin nidaam maaliyadeed oo maamula. Bitcoin waxay u sahlaysaa dadka inay lacag diraan ama helaan ayagoo isticmaalaya Internetka, xitaa qof aanad garanayn ama aadan ku kalsoonayn ayaad la tacaamuli kartaa. Bitcoin waxaa la isticmaali karaa ayadoon la cadaynayn aqoonsiga dhabta ee shakhsiga.
Bitcoin waxay soo ifbaxday Aug 2008 waxaana magacaas si rasmi ah loo aqoonsaday Nov 2008, waxaa aasaasay sakhsiyaad aan la aqoon waxaase jirta in lala xiriiriyey shakhsi u dhashay dalka Japan kaaso oo lagu magacaabo Satoshi Nakamota balse waa uu iska diiday arintaas waxaana soo baxay gadaashii dad badan oo sheeganaya oo uu kamid yahay nin u dhashay dalka Australia.
Bitcoin sidee u shaqaysaa?
Bitcoin waxay dhalataa ka dib markii qofku uu sameeyo “MINING” kaasoo oo ka dhigan adeeg diiwaan-qabasho/Xog dhawrid oo lagu sameeyo isticmaalka awoodda wax qabad kombiyuutarka.
Bitcoin waa shabakad ku shaqaysa kuna socota hanaan loo yaqaan (BLOCKCHAIN), astaamaha farsamaysan ee blockchain waa hanaan ay fududahay in la fahmo una shaqeeya si dhib yar. Halkii Blockchain ah waxa uu ka kooban yahay hal taxane ah oo xambaarsan qaybo kala duwan oo macluumaad ah kaas oo loo diyaariyey hab chronological. Mararka qaar Block chain-ka ay ku shaqayso Bitcoin waxaa loo yaqaanaa distributed ledger.
Bitcoin waa mid ay aad u adag in la xakameeyo ama gacan kale soo faragaliso, mana lahan muuqaal, shakli ama qaro jirtaaneed taas oo ka dhigan in aadan ku xifdin karayn boorso ama meel kale oo wax lagu ilaashado kaliya waxaad u baahan tahay in aad kalsooni muujisid.
Sifooyinka iyo Astaamaha Bitcoin:
  1. Ma jirto awood Dawladeed oo maamusha: Mid kamid ah danihii iyo ujeedooyinkii laga lahaa Bitcoin ayaa ahayd in ay ka madax banaanaato awood walba oo dawladeed. Waxaa loogu talagalay in qof kasta, shirkad walba iyo sidoo kale mashiin kasta oo ku lug leh wareejinta lacagaha iyo Mining uu qayb ka noqon karo shabakada Bitcoin.
  2. Majhuul (aan la aqoon): Maalmahaan dambe Bangiyada waxay ogaadaan wax walba oo ku saabsan macaamiishooda sida: Taariikhda deyn qaadasho, cinwaanada, lambarada taleefanka iyo wixii la mid ah. Bitcoin way ka duwan tahay sidaas, maadaama aysan jeebka khasab (Bitcoin Wallet) ku ahayn kuwo lala xiriiriyo macluumaadka shakhsi ahaaneed ee aqoonsiga. Dadka qaarkood raali kuma ahan mana doonayaan in Dawladuhu ay awood u yeeshaan in ay dabagal iyo tixraac ku sameeyaan dhaqdhaqaaqyadooda maaliyadeed, waxay tani ka dhigtay Bitcoin meel u nugul in loo isticmaalo maalgalinta argagixisa, kuwa Mukhaadaraadka ka baayac mushtara iyo dhamaan lacagaha aan sida la yaqaan kusoo xaroon.
  3. Lama soo celin karo: si kooban arintaan waxaan ula jeednaa hadii aad mar lacag bitcoin ah u dirto qof kale majiro hab aad lacagtaas dib ugu soo ceshan karto hadii qofkii uusan dib kuugu soo celin. Taas oo ka dhigan in lacagtii aad mar dirto aadan ku doodi karayn oo qofna aadan u raacan karin.
  4. Degdegsiimo: Bitcoin labo qof oo dunida dacaladeeda kala jooga ayaa il-biriqsiyo gudahood isugu xawili kara lacagta bitcoin taas oo muujinaysa xawaaraha saaidka ah ee ay ku shaqayso.
Bitcoin ma lacag baa mise?
Inta badan culimadu waxay isla qaadateen in Bitcoin aysan ahayn lacag maadaama aysan qaban karin shaqada lacagtu qabato sidoo kale aysan lahayn sifooyinka lacagtu ku sifaysan tahay oo ay kamid yihiin:
  • Lacagtu waa halbeega wax lagu kala gato: waxaa marag ma doonto ah in Bitcoin aan wax lagu kala gadan karayn oo aysan jirin shirkad ama dawlad u aqoonsan in bitcoin tahay lacag.
  • Unug xisaabeed: wax walba maanta waxaa lagu qiimeeyaa lacag, tusaale ahaan markii aad neef geel ah gadanaysid waxaa laguu sheegayaa qiimaha lacageed ee uu ku fadhiyo, bitcoin wali ma noqon halbeed lagu wada qanci karo taas oo ka dhigaysa in aysan lacag tilmaamteed qaadan Karin.
  • Aqbalaada dadwayne: Tilmaamaha lacagtu leedahay waxaa kamid ah in dadku kuwada qancaan, hadii taas laga waayo laguma tilmaami karo lacag. Bitcoin maahan shay lacagnimadeeda lagu wada qancay sidaas awgeed ma oran karno waa lacag.
  • Waaritaan: Lacagtu waa in ay ahaataa shay sii jiray oo wakhti dheer waaraya. Bitcoin oo waxay jirtaa wakhti kooban lamana saadaaliinayo in ay sii jirto wakhti dheer sidaas awgeed way adagtahay in Bitcoin ay noqoto shay mudo dheer sii jira.
Dalalka mamnuucay ka ganacsiga Bitcoin
Waxaa jira dalal badan oo dunida daafaheeda dhaca kuwaas oo mamnuucay ka ganacsiga iyo la tacaamulka Bitcoin, sababo kala duwan ayay wadamadu u aaneeyeen mamnuucida Bitcoin. Wadamada qaar ayaa sababta ku sheegay in Bitcoin ay horseedayso dhaqaale bur, halka kuwo kale ay u aaneeyeen in ay tahay wado maalgalinta argagixisa, ka ganacsiga maandooriyaha iyo dhaqida lacagaha loo isticmaali karo, hase ahaatee badi dawladaha Islaamka ee mamnuucay isticmaalka Bitcoin ayaa ku macneeyey in ay sharciyan tahay shay haaraam ah. Dalalka mamnuucay waxaa kamid ah:
Bolivia
Ecuador
Bangladesh
Kyrgyzstan
Nepal
Vietnam
Sweden
Russia
China
India
Iceland
Ecuador
Turkey
Egypt
Taiwan
Nepal
Saudi Arabia
Mexico
Zambia
Morocco
South Korea
Algeria

Inta badan dalalka Dunida ayaan wali kasoo saarin xeerar mamnuucaya ama golaanaya ka ganacsiga Bitcoin maadaama Bitcoin ay tahay arin ku cusub wadamada qaarkood khaasatan wadamada aan ku tilaabsan hormar dhaqaale iyo mid tiknooloojiyadeed. Waxaase wax badan is badali doonaan inta lagu guda jira sanadaan socota ee 2018 maadaama la filayo in ay si isdaba joog ah usoo kordhi doonaan dalalka mamnuuci doona ka qanacsiga Bitcoin.
Aragtida Culimada Islaamku ay ka qabaan Bitcoin:
Hadaba intaas hadii aan uga imaado faahfaahinta Bitcoin waxa ay tahay iyo sida ay u shaqayso, waxaan eegaynaa aragtida Islaamka ee ku aadan Bitcoin.
Umad walba waxaa jira mabaadii aasaasi u ah tacaamulaadka ay samaynayso, maadaama Soomaalidu tahay bulsho 100% Muslim ah waxaa haboon in wax walba oo aan samaynayno ay ahaadaan kuwo ku salaysan sifo sharci ah.
Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan dalalka Khaliijka iyo Geeska Afrika dhawaan ayay ku baraarugeen jiritaan Bitcoin, culimo badan oo Soomaaliyeed oo arintaan si xeel dheer uga hadashay ma jiraan ama way yar yihiin.
Culimada badankood waxay isla qaateen in Bitcoin ku tacaamulkeeda ama maalgashigeedu yahay Xaaraam ayaga oo u sababaynaya arimahaan:
  • Sheekh Imran Nazar Hosein oo ah Caalim, Qoraa iyo Filasafoor ku takhasusay dhaqaalaha iyo siyaasada Islaamka ayaa Xaaraamnimada Bitcoin u cuskaday in Bitcoin aysan iyadu qiimo lahayn “intrinsic Value” yacnii in Bitcoin aysan jirin wax qiimo ah oo shay ahaateedu ku fadhido, Tusaale ahaan Dahabku waxaa jirtay xili lacag ahaan loo isticmaali jiray markaan ka tagno in dadku ay ku qanceen in Dahabka lacag ahaan u isticmaalaan misna Dahab ahaantiisa ayuu qiime ku leeyahay, halka Bitcoin aysan sifadaan lahayn.
FG: Lacagaha qaarkood waxaa qiimo u yeela shayga ay ka samaysan yihiin sida Dahab halka lacagaha casriga ah ee xaanshida ah (Paper) ay qiimo ku leeyihiin maadama ay awood sharci ah oo dawladeed haystaan (Legal Tender form Authorized Agent).
  • Imamka Masjid Jeddah Sheekh Assim Alhakim ahna caalim dhanka shareecada iyo dhaqaalaha ah ayaa aaminsan in Bitcoin tahay Xaaraam asagoo u sababaynaya in ay tahay lagama maarmaan in isdhaafsiga lacagaha kala duwani ay noqdaan mid hal mar lagu kala baxo “dhiib oo qaado” isla wakhtigaas balse ay Bitcoin u shaqayso hanaan sidaas ka duwan oo kala badalashada lacaguhu aysan hal mar dhicin taas oo ka dhigaysa Bitcoin ku tacaamulkeeda mi Xaraam ah sida uu sheekhu qabo.
  • Sidoo kale Dr. Abdi Sadiq Ibn Khalkan oo ah caalim dhanka dhaqaalaha Islaamka ahna Qoraaga buug dhawr ah oo dhaqaalaha islaamka ka hadla ayaa aaminsan in Bitcoin tahay Xaaraam aysana banaanayn in lala tacaamulo iyo in wax lagu yeesho toona sheekha ayaa cilada Bitcoin ku tilmaamay in ay leedahay (Gharar, Uncertainty) taas oo ka dhigan in Bitcoin ay ku shaqayso hanaan ku salaysan khiyaamo iyo hubanti la’aan dhanka dadka leh mulkiyada Bitcoin oo aan la aqoon, is badbadlka xad dhaafka ah ee la xiriira sicirka lakala siisanayo Bitcoinka iyo dadka kala gadashadu dhex marayso oo aan is aqoon, Sheekha ayaa qaba in sifudud oo faaiido xad dhaafka ah loo sameeya ama khasaarada saaidka ah uu kuugu dhacaa ay ka dhigan taahy (Gharar, Uncertainty and Hubanti la’aan) taas oo Bitcoin ay ku tahay caan.
  • Caalimka Misriga ah ee Sheekh Cumar CabdiKafi ayaa maxaadiro uu jeediyey ku sheegay inay Xaaraam tahay in lala tacaamulaana Bitcoin, sheekhu waxa uu arintaas u sababeeyey in Bitcoin tahay Majhuul aan la aqoon wax leh iyo in dadka dhaqdhaqaaqu uu dhex marayo ay yihiin dad aan la aqoon. Sheekhu waxa uu sidoo kale cadeeyey in Bitcoin ay tahay nooc khamaar “Gambling” maadaama ay sahlan tahay kororka sicirkeeda iyo hoos u dhaceedu, sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in dhawaan ay Bitcoin sababi doonto dhaqaale burbur xoogan oo dunidoo dhan saameeya.
  • Sheekh Cali Muxiyadin Al- Qaradaghi oo ah Gudoomiyaha dalada caalamiga ah ee ay ku midaysan yihin culimada Islaamka ayaa cadeeyey in Bitcoin ay tahay Xaaraam qof kasta oo Muslim ah oo aan ku hawlanayn arintaas ayuu sheekhu uga digay in ay galaan halka kuwa ku hawlana uu cadeeyey in ay ka toobad keenaan Alle waynana usoo laabtaan ayna leeyihiin Raasu maalkii ay ku bilaabeen halka wixii intaas ka dheeri ahna ay tahay waajib saaran in ay sadaqeeyaan dibna aysan ugu laaban ku tacaamulka Bitcoin. Sheekha ayaa culimada Muslimiinta ka codsaday in ay arintaan ka yeeshaan kulan si ay uga soo saaraan bayaan iyo mawqif ay u dhan yihiin
  • Waxaa jira Culimo badan oo la waydiiyey hadii Bitcoin ay tahay Xaaraam ama Xalaal balse culimada ayaa uga qaabsatay in ay ku talinayaan in laga dheeraado maalgashiga iyo ku tacaamulka Bitcoin maadama ay tahay arin Shaki ku jiro Xalaalnimadeeda.
Hadaba waxaa xusid mudan in Diinteena Islaamku ay qofka Muslimka ah ku amartay in uu isaga tago wixii shaki ku jiro oo uu u weecdo wixii aan shaki ku jirin. Waxaa jira axaadiis iyo aayado tilmaamaya in Qofka Muslimka ah uusan ku degdegin arin ama mas’alo Iskhaal ama khilaaf ku jiro oo Xalaaalnimadeeedu aysan cadayn.
Bitcoin waa arin ku cusub caalamka Islaamka si guud gaar ahaan Umada Soomaaliyeed oo haatan ku jirta marxaladihii u horeeyey ee soo ifbaxa Bitcoin, Culimada Soomaaliyeed wali si wacan oo xeel dheer arintaan ugama hadlin waxaana six ad dhaafa usoo kordhaya dhalinyarada ku tacaamulaysa Bitcoin.
Waxaan kugula talin lahaa walaal inta aan lagugu qancin in aad gacansiga Bitcoin fadlan samee cilmi baaris, ogoowna waxa uu sharcigu ka qaba waa arin ay fududahay in aad ka taxadartid halkii aad gadaal ka shalaayi lahayd.


Tixraac:
  1. Wikipedia, Bitcoin
  2. PBS News Hour, This is how Bitcoin works
  3. Investopedia, How Bitcoin works
  4. The Market Oracle, The Main Characteristics Of Bitcoin
  5. Cointelegraph, What is Bitcoin? History, characteristics, pros and cons
  6. 99Bitcoins, List of Countries That Have Banned Bitcoin! From List of Countries That Have Banned Bitcoin! https://99bitcoins.com/list-countries-banned-bitcoin/
  7. Assim Al Hakeem, Is bitcoin halal in Islamic point
  8. Sheikh Imran Hosein, Bitcoin is Haram: Why?
  9. حكم استخدام عملة البيتكوين ,علي القرة داغي
  10. العملات الرقمية (البتكوين) ,عمر عبد الكافي
waxaa qoray 
Daud Dahir Hassan, MBA — Islamic Banking
Developed by Jago Desain