RW Ethiopia oo Golihiisa ugu bishaareeyay 4 arrin oo halis galin karta Heshiiska ay la galeen Somalia (Akhriso)

RW Ethiopia oo Golihiisa ugu bishaareeyay 4 arrin oo halis galin karta Heshiiska ay la galeen Somalia (Akhriso)

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa Heshiis magaalada Muqdisho ay maalin ka hor ku kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia kaa oo ka koobnaa 16 qodob oo muhiim ah.
Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed oo saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaar gaara la qaatay Wasiirada Xukumadii iyo qaar kamid ah baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Heshiiska ay la galeen Somalia uu meesha ka saari doono baahida (Badda) ee heysata Ehiopia.
Wax uu Dr Abiy Wasiirada iyo tirada Xildhibaanada ee saacado ka hor uu la kulmay u xaqiijiyay in Ethiopia ay si dhaqsi ah uga faa’iideysan doonto Heshiiska ay la gashay Somalia, waxa uuna xaqiijiyay in Ethiopia ay cagta saartay dhabaha horumarka.
Qodobka maalgashiga Dekaddaha ayuu sheegay inuu yahay qodobka ugu muhiimsan Heshiiska, kaa oo uu ku sheegay in Ethiopia ay uga gudbi doonto baahiyaha ka heysta dhanka Badda.
Dr Abiy, waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada u xaqiijiyay 3 arrimood oo uu sheegay in Ethiopia ay ugu jirto maslaxad waxa ayna kala yihiin:-
1-In Heshiiska maalgashiga Dekadaha Somalia uu noqon doono mid waligii taagnaada, isla markaana ay Ethiopia ka shaqeyn doonto cusbooneysiinta Heshiiska, maadaama aysan heli doonin fursad lamid ah kan Heshiiska.
2-In ficilada Ethiopia ee Dekadaha Somalia ay ku saleysnaan doonto baahiyaha gaarka ah ee Dowlada iyo shacabka Ethiopia.
3-Ka faa’iideysiga kheyraadka Badda Somalia iyo yagleelida Shirkado dowladeed oo soo saara kaluunka, iyadoo laga faa’iideysanaaya fursada Heshiiska.
4- Abiy waxa uu sheegay in Heshiiska uu albaabo u furi doono in dhalinyaro badan oo Ethiopian ah ay u shaqo tagaan Dekadaha Somalia.
Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale kulamada gaar gaarka ah ku xaqiijiyay in Dowladiisa ay Somalia la gali doonto Heshiisyo kale oo ku saleysnaan doona baahiyaha gaarka ah ee Ethiopia.
Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy waxa uu ballanqaday in dhexgal dhinacyada Siyaasada ah ay ku sameyn doonaan Somalia, waxa uuna cadeeyay inay hiigsan doonaan wadada ganacsiga.
Haddalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy, ayaa u muuqanaaya mid ifinaaya damaca Ethiopia ee ku aadan Dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaale.
Developed by Jago Desain