Sawiro: Puntland oo ciidan aad u badan geysay Takuraq iyo cabsi halkaas ka taagan

Sawiro: Puntland oo ciidan aad u badan geysay Takuraq iyo cabsi halkaas ka taagan


Cutubyo kamid ah ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland oo subaxnimadii saaka kasoo dhaqaaqay Saldhigyadooda magaalada Qardho, ayaa gaaray Jiidaha dagaalka ee Tukaraq, waxayna muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay la dagaalamaan cadowga ku soo duulay Puntland.
Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa ayaa sheegay in ay yihiin qeybihii ugu horeeyey oo kasoo ruqaansada Saldhigyada ciidamada Daraawiishta ee gobalka Karkaar, ka dib markii ay heleen amarka taliska ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland.
Guddiga Difaaca oo la hadlay ciidamadan ayaa u sheegay in ay gudanayaan waajibaad Qaran oo ah in loo dhaawacmo loona dhinto dalka, waxayna sheegeen in lagu soo duulay Puntland oo ay maanta iska difaacayaan cadow kusoo duulay Puntland.
Guutooyin kamid ah ciidamada ayaa kusoo wajahan Tukaraq saacadaha soo socda, waxaana lafilayaa in ay ciidamadan ay qeyb ka noqdaan guluf dagaal oo ku wajahan magaalada Laascaanood.

halkan ka daawo sawirada


Developed by Jago Desain